Advokatka Bushro Jama: Waxaan codsaneynaa in go´aanka wadan ka saarista dib loo dhigo

0
180

Wargeyska lokalka ah ee Bladet Vesterålen ayaa qoroyo, in Bushro Jama ay shaley la kulantay qareenkeeda, si ay ugu wada hadlaan arinteeda. Wuxuuna advokatka Bushro sheegay, iney dirayaan codsi rasmi ah oo ku saabsan in dib loo dhigo go´aanka wadanka looga bixinayo Bushro, maadaama ay go´aankaas ka dacwoodeen. 

Bushro Jama ayaa taageero aad u weyn ka heshay dadka deegaanka iyo waliba ardeyda iskuulka sare ee Hadel VGS. Dadka deegaanka ayaa ilaa sadex mudaaharaad oo kala duwan u dhigay Bushro, iyaga oo codsanayo in Bushro iyo qoyskeeda aan laga saarin wadanka, maadaama ay qeyb ka noqdeen bulshada deegaanka. 

Daniel Riibe oo ah qareenka Bushro ayaa sidoo kale sheegay inay waqti dheer qaadan karto inta uu kasoo baxayo go´aan cusub oo ku saabsan arinta Bushro. Wuxuuna sheegay in hadii ay darbiga soo taabtaan, ay mar labaad ku celin doonaan. Wuxuuna intaas ku daray inay dhici karto in uu kiisku maro hal ama laba wareeg oo kale, balse wuxuu raaciyay in isaga iyo qoyskan soomaaliyeedba,  ay isku diyaar gareeyeen in kiisku uu qaadan karo waqti dheer.  Daniel Riibe ayaa sii raaciyay hadalkiisa inuu dareen fiican ka qabo kiiskan. 

Waxaa la hayaa documenti cadeynaya tuulada ay Bushro ka timid:

Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay iney waqti badan qaado karto, in lawada akhriyo dhamaan documentiyada UDI-da, oo ay kamid yihiin qoraalo barta facebooga ah, si loo cadeeyo waxa runta ah. 

Wuxuuna dhanka kale sheegay in Cabdinaasir oo ah aabaha qoyskan soomaaliyeed uu soo bandhigay cadeynta dhalashada iyo mida guurka labadooda ee tuulada ay kuwada kulmeen, iskuna guursadeen ee Eybutey. Cadeymahaas oo aan horey su´aal la isaga weydiin. Wuxuuna sheegay iney cadeymahaas ay yihiin kuwa ugu qiimaha badan  ee uu qof soo bandhigi karo. 

 

Imtixaanka lahjada:

Daniel Riibe ayaa dhanka kale sheegay in su´aasha ugu weyn oo ay isweydiinayaan ay tahay, sida uu kusoo bilowday kiiskan, maadaama ay caado aheyn in UDI-da ay baaritaan ku sameyso facebooga qofka, kadib markii uu wadanka joogay lix sano. 

Qareenkan ayaa dhanka kale in imtixaanka lahjada oo ay UDI-du cuskaneyso uu yahay, mid la qaaday markii ay Bushro wadanka magangalyada ka codsaneysay. Laakiin aanan baaritaan lagu sameynin wixii hada ka horeeyay.  

Wuxuuna sheegay iney codsadeen in loo diro imtixaankaas lahjada ah, si loo hubiyo in uu yahay codka Bushro. Sidoo kale wuxuu sheegay iney fursad u heystaan iney si gooni ah oo madax banaan baaritaan ugu sameeyaan imtixaankaas lahjada. 

D. Riibe ayaa sheegay in sharaxaada Bushro ee ku saabsan lahjada iyo qisadeedu ay isleeyihiin, isla markaana aan imtixaanka kaligiis gooni loo fiirin karin. 

Xigasho/kilde: Bladet Vesterålen 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments