fredag, april 19, 2024

Vegvesenet: Dhawaan waxaan soo dhajin doonaan boorar af soomaali ku qoran

Baaritaano dhowr ah oo la sameeyay, ayaa lagu ogaaday in shilalka ay galaan dadka ajaaniibta ah ee baabuurada wada ay ku dhawaad labo jibaar ka badanyihiin shilalka baabuurta ay wadaan dadka wadanka u dhashay.

Hey-ada wadooyinka ee Vegvesenet ayaa sheegtay iney xarumaheeda ku dhajin doonto boorar ku qoran luuqado kala duwan, kuwaas oo dadka lagu xusuusinayo iney suunka baabuurka xirtaan. Waxaana luuqadaha ay doorteen kamid ah luuqada Af-soomaaliga, Urduu, Carabi , Faarsi, Hindi, Polish, Viitnaameys iyo Roomaan.

Vegvesenet ayaa sheegtay in ujeedada ka danbeysa go-aanka ay tahay in warbixino la siiyo dadka wadanka ku dhashey iyo dadka kale ee gadaal ka yimidba, si loo xaqiijiyo amaanka wadamarista.

Boorarkii ugu horeeyay ee noocan ah ayaa hada lagu xiray xarunta hey-ada wadooyinka ee magaalada Oslo( Risløkka), waxaana la rajeynayaa in loo sii gudbiyo magaalooyinka kale ee wadanka. 

Duqa magaalada Oslo Marianne Borgen(SV) ayaa sidoo kale sheegtay in arintan ay sidoo kale calaamad u tahay in dalkan Norway ay ku wada noolyihiin dad ku hadlo luuqado kala duwan. 

FRP Maxay dhihi doonaan?:

Xisbiga FRP oo caan ku ah inuu kasoo horjeesto wax-kasta oo kasoo uriyo ajnabi iyo dhaqamada iyo luuqadaha soo galootiga, ayaan wali ka hadlin arintan. 

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x