Xisbiga (AP) oo wax ka saxiixey heshiiska dib u qiimenyta sharciyada magangalyada 1600 qof ee soomaalida ah

0
156

Xisbiga Arbeiderpartiet oo ah xisbiga hela codadka ugu badan ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norway xiliyada doorashada, ayaa kamid ah xisbiyada saxiisey heshiiska dib u qiimenyta sharciyada dadka soomaaliyeed ee tiradoodu ay gaareyso 1600 qof.

Heshiiskan oo la saxiisey 19-november sanadkii 2015 ayaa ka koobnaa 18 qodob. Waxaana saxiixey dhamaan xisbiyada ku jiro baarlamaanka marka laga reebo xisbiga SV iyo MDG. Shir saxaafadeedkii lagu soo bandhigey heshiiskan ayaa lagu sheegay in ujeedkiisu uu yahay, in lagu xakameeyo qoxootigii faraha badnaa ee sanadkii 2015 kusoo fatahey qaarada yurub, gaar ahaana Norway.

[adsenseyu2]

Qodabka 5-aad ee heshiiskan ayaa wuxuu dhigayey sidatan: Hadii ay meesha ka baxdo sababtii keentay in qofka la siiyo magangalyo markii hore, ama ay soo hagaagto xaalada amaan ee wadankii uu wadanka ka yimid qofka, waxey hey-adaha dowlada ee qaabilsan soo galootiga bilaabi karaan iney sharciga magangalyada kala noqdaan qofkaas, iyaga oo aan u fiirin sabab kale.  

Halkan ka akhriso 18-ka qodob ee heshiiskan: Aftenposten.no

Wasaarada dastuurka iyo amniga dowlada Norwey oo cuskuneyso qodabkaas ayaa 31-mars ee sanadkan 2016 soo saartey wareegto ay ku sheegeyso in dib u qiimeyn lagu sameyn doono sharciyada magangalyada dadka soomaaliya ka yimid ee sharciga helay wixii ka horeeyay 1.october 2014, walina aan degenaansho qaadan. Soomaaliya ayaa noqotay wadanka kali ah ee wareegtadan ay qabaneyso ilaa hada.

Warbaahinta NorSom News ayaa soo bandhigey wareegtadan mudo lix bilood kahor. Warbaahinta Norway hada ayey ku baraarugtey, balse NorSom News iyo soomaalida ku taxan lix bilood kahorba wey ogaayeen. Halkan ka akhriso warkii aan soo daabacney 23-april 2016 ee ku saabsanaa arintan.

Waxaa nasiib daro aad u weyn ah in xisbiga Arbeidspartiet oo hela 60% codadka ajaaniibta Norway, uu wax ka saxiixo heshiis sababi karo xaalad bini aadanimo oo aad u culus. Waxaana muuqato iney isbadal weyn ay ku timid siyaasada ku wajahan soo galootiga ee xisbiga AP. 

AP waa xisbiga heysta kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Norway, waana xisbi awood iyo saameynba ku leh siyaasada wadanka. Waxaa xisbigan ka tirsan ku dhawaad 60 qof oo soomaali ah oo fadhiya goleyaasha deegaanka ee qaar kamid ah kommunayaasha Norwey. 

Xisbiga SV ayaa noqdey xisbiga kali ah ee ka tirsan xisbiyada waaweyn ee siyaasada wadanka, kaas oo diidey inuu heshiiskaas wax ka saxiixo.  SV ayaa sheegay in heshiiskan yahay mid kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga ah.

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments