lørdag, april 20, 2024

War deg-deg ah: 1600 qof soomaali ah oo sharciga magangalyadooda dib u qiimeyn lagu sameyn doono

Dowlada Norwey ayaa sheegtay iney dib u qiimeyn ka sameyn doonto sharciga magangaylada dad soomaali ah oo gaarayo 1600 qof. 120 kamid ah, ayaa mar hore loo direy warqada digniinta sharci kala noqoshada.

Dadkan sharcigooda dib u qiimeynta lagu sameynayo ayaa waxaa kamid ah, qoysas caruur wadanka kuleh iyo waliba caruur aan wali qaan-gaarin.

Wasiirada arimaha soo galootiga dowlada Norwey ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horeysay taariikhda oo dowlada Norwey ay dib u qiimeyn ku sameyneyso sharciga magangalyada dad sharci ku leh wadanka.  Waxey raacisey hadalkeeda in xaalada amaan ee qeybo kamid ah Soomaaliya ay soo hagaagtey, sidaas darteed ay dib u eegis ku sameyn doonaan baahida magangalyo ee dad soomaali ah oo gaarayo 1600 oo qof.

Dadka digniinta sharci kala noqoshada loo soo direy waxaa kamid ah nin soomaali ah oo macalin dugsi quraan ku ahaan soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Ninkan oo magaciisa diidey in la sheego ayaa tvga qaranka NRK u sheegay in xaaladiisa amaan ay khatar gali doonto hadii lagu celiyo Soomaaliya, maadaama qeybo kamid ah ardeydiisa ay hada kamid noqdeen ururka Al shabaab. 

Baashe Muuse oo isna wareysi gaaban siiyey NRK ayaa sheegay in go-aankan uu yahay mid aad u murugo leh. Saameyna aad u balaarana uu ku yeelan doono qoysas badan oo nabadgalyo ku heysto Norwey.


Regjeringen vil sende somaliske flyktninger tilbake

1600 somaliere som har opphold i Norge, risikerer å få sin flyktningstatus tilbakekalt og bli sendt tilbake til Somalia. 120 somaliere har allerede fått varsel fra UDI om at oppholdstillatelsen kan bli tilbakekalt etter at regjeringen instruerte UDI om det, melder NRK.

Blant dem som risikerer å bli tilbakesendt, er det mange barnefamilier og enslige mindreårige.

Det er første gang myndighetene planlegger å trekke tilbake innvilget opphold til mennesker som bor i Norge.

Innvandrings- og integreringsminister Sylvi Listhaug sier at bakgrunnen for instruksen til UDI er at de det gjelder, ikke har fått endelig oppholdstillatelse i Norge, samtidig som situasjonen er blitt roligere i Somalia.

En koranlærer som vil være anonym, sier han vil være i livsfare i Somalia, og Bashe Mussa i Somalisk nettverk er rystet.

– Dette er forferdelig og rammer mange barnefamilier. Ellers vet vi at sikkerheten ikke er på plass i Mogadishu, sier Mussa.

(NTB)

Xigasho/kilde: Dagbladet, VG, Klassekampen, NRK 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x