torsdag, april 25, 2024

(Maqaal) Safiyo Haase: Hadii aan sadex waxyaabo la helin, dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal ma yeelan doonto

Wax Mustaqbal ah ma lahaan doontaa da’yarta somaaliyeed hadii aysan helin saddex waxyabood oo muhiim: 1)Waxbarasho 2) Waxbarasho 3) Warbarasho.


Waqtagii hore ee nolosha Soomaaliya:

Waxan ku soo korey xili ay nolashu ay aad u adkeyd, oo waliba qofka dumarka ahi ay iska xadidnayd waxyaabaha ay sameyn karto.Waxaan usoo joogay xili fakirka laga qabo gabdhaha ay ahayd mid aad u hooseyso, iyadoo laga aaminsanaa inay gabdhahu ahaayeen sida qof mar walba ceebtu ka agdhowdahay ( walking shame). Gudniinka fircooniguna uu ahaa xaalad ay gabar walba sugayso. Waxaa intaas noo dheeraa inan hawsha guriga aan aniga iyo walaashay ka masuul ahayn, inaan biyaha ka soo dhaamin jirnay meel ka durugsan Gurigeena. Laakiin wiilka walaalkey ahaa cidna waxba uma dirsan jirin, isaga  waxa uu sida boqorka ugu dhex nool gurigeena. Waxaan lasoo korey fikirka ah in haweenku ay yihiin kuwo aan daahir aheyn, ilaa laga gudo, kadibna laga guuriyo.

Aabahay waxuu macalin ka ahaa dugsi Quraan, waxuuna ka heli jiray lacag aad u yar. Isaga oo dhalinyaro ah ayuu go-aansadey inuu isaga soo guuro Soomaaliya, isaga oo ka rajo qabo inuu nolol fiican helo. Wuxuu usoo rarey qoyskisa miyiga Galbeedka Kenya, meel u dhow Magalada Bungoma. Waxaan kusoo korney nolol aad u faqri ah.

Hooyadey aad ayay udadaali jirtay, waxayna iibin jirtay sabuulka galeyda, si ay dhaqaalaha qoyska dhankeeda uga kabto. Hooyadey waxay uur yeelatay 14 jeer,  Lakin shan kaliya ayaa caruurteedii u hana qaadey. Xurunta caafimaad ee noogu sokeysay masaafo fog ayay noo jirtay. Waqti waxa jirtey hooyadey laga qabtay ilig . Waxaana isbitaalka ugu qaadney gadaasha danbe ee gaari nooca loo yaqaanLandrover.halkaas ayaana iligii looga saaray iyadoo aan wax kabaabyo ah lagu durin. Nasiibdaro xanuunkii badnaa darteed ayay hooyadey uga dilmeen ilmo 7 bilood ah oo ay uurkiisa lahayd. Nolashaas ayaana ku soo korney.

[adsenseyu2]

Xiligan Hada la joogo iyo Somalia: 

Inkastoo ay aad u yartahay iskuulada ay dowladu soomaaliyeed ay maamushi, hadana maanta nolasha dadka soomaliyeed way ka duwantahay sidii hore. Wiilasha iyo gabdhahu si isku mid ah ayay iskuulada u aadaan. Waxaa hada ku soo badanaayo Soomaaliya iskuulaada gaarka loo leeyahay oo lacag laga baxiyo. Inkastoo ay jiraan qoysas sabool ah oo aan awoodin inay iska baxiyaan qarashka iskuulada, markaasna ku kalifto inay caruurtooda qaar ka joojiyaan iskuulada, Siiba gabdhaha. Waxaa ku soo badanaayo caruurta agoonta ah, iyagoo aan haysan daryeeel dhinac walba leh. Waxaad arkeysaa caruur badan oo darbiyo jeef ah, kuwa badan oo maskaxda iyo jirkaba ka xanuunsanayo.

Mustaqbalka: 

Wax Mustaqbal ah ma lehi doontaa hadii aysan da’yarta somaaliyeed helin saddex waxyabood. Waxbarasho, Waxbarasho iyo Warbarasho. Safiyo waxay ku sadex jeer ku celcelisay waxbarasha. Taas oo ah tan kaliya ee manta Soomaali badbaadinkarta.

Rajadeydu waa la dirirka faqriga, tacadiyada haweenka iyo in wiilasha iyo gabadhahu ay si siman u adaan iskuulada. Gaar ahaan in gabdhahu ay waxbarasho ka sareysa tan ay maanta haystaan helaan. Sababtoo ah Hadii aad hal wiil aad wax barto, waxad wax bartay hal qof. Lakin hadii aad hal gabar ah aad waxbartid, waxaad waxbartay qoyska oo dhan.

Waxaan hada ka mid magaalada Mogdisho oo aan mashruuc ku saabsan cafimaadka ka wadney anaga iyo jamaacada Mogdisho. Waxad arkeysa isbadel dhinac walba leh oo ay bulshadu samaynayo.Waan nasiib badanahay inan jaanis waxbarasho oo sare iyo nolal fiican aan ka helay Norway. Waxan jeclaan lahaa mid la mid ah inay hesho hooyo walba iyo caruurteeda. Waana mid aan marka walba qalbiga ku hayo.

Sidoo kale waxan jeclaan lahaa in nimaadka daryeelka bulshada (velferdssystem ) oo wadankeena ka shaqaynaayo inan arko.Waxaa hada ka dhow doorashadii madaxwayanaha Soomaliyeed. Waxan ubaahanay siyaasad wanaagsan oo soo celiso dagaansho, cadaalad ,sinaan iyo kala danbeyn. Bulashada somaaliyeed dhamantood waxay ubaahanyahiiin nabadgalyo iyo xasilooni.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x