(Maqaal):-Tarxiilka Norge iyo talo xumada Soomaalida: Bile Maxamed (Baastey)

0
139

Waxaa dhagaheena si aan kala go’ lahayn ugu soo dhacaya tarxiilka ka dhanka ah Soomaalida ku nool dalka Norway, kuwaasoo dagaalo daba dheeraaday kaga soo cararey deegaano kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ilaa iyo hadda aynu ka jirin nabad geliyo buuxda oo la isku haleen karo.

Haddal-heynta ugu badan ee warbaahinta Norwey, ayaa noqotay arrinkan ugubka ah ee la doonayo in la tarxiilo (Musaafuriyo) qoxooti soomaaliyeed oo tiradoodu lagu sheegay 1600 qofood. Kuwaas oo isugu jira haween, caruur, dhalinyaro iyo waayeelo u baahan daryeel Caafimaad, isla mar ahaantaana waqtiyo kala duwan soo galay dalka Norwey. In badan oo dadkaas ka mid ah, waxay mar hore qaateen sharciga magangelyadii ay codsadeen, in kastoo ay jiraan qaar ka mid ah oo helay diidmo.

Xili aan ku sugnaa goob laga raaco basaska (busstasjon) magaalada Bergen ee dalka Norwey, ayaan maqley dhowr qofood oo meel aan sidaa iiga sii fogeyn ku sheekeysanayay. Mid kamid ah ayaa waxa uu yiri “Miyaad maqasheen in dowladdu ay qaadatay go’aan lagu tarxiilayo Soomaali badan, kadibna loogu celinayo deegaanadii ay ka kala yimaadeen”.

Oday malaha aan ku qiyaasayo in dadkii halkaas ku sugnaa inuu ugu da’weynaa, ayaa soo booday oo markiiba yiri “walee maanta iyo maalmahanba war wanaagsan maanan maqleen, haddii dowladda aan magangalyada usoo raadsanay ay u soo xusul duubatay qaxootiga Soomaaliyeed, waliba ogolaasho la’aan ku tarxiisho iyada oo aan ognahay ineysan jirin wax xaalad amaan buuxdo ah oo kajirta wadankii, marka laga reebo miman madax isku sheega oo shilimaad ay qaateen dartood talaabadan u qaadayo”.

Dhankoodii ayaan kusoo dhawaaday, si aan u dhuuxo guuxa iyo hadal heyntooda.Kii kale ayaa hadalkii qaatay oo yiri “Ilma adeerayaaloow haddii aynu Soomaali nahay tala xumadda nagu habsatay ayaa ina baday in maanta sharciyadii dib noolagala ceshado, lana yiraahdo dib u eegis baa lagu sameynayaa codsiyadiinii magangeliyo, bulshooyinka kale ee nala midka ahna aan kafara dheeraano…..sababtuna waxay tahay haddii maanta dhib aniga igu dhaco (ALLE iguma keenee), ma jirto ruux soomaali ah oo ila damqanaya iina soo gurmanaya, dareenka murugada leh ee isoo wajahayna ugu yaraan ila qeybsanaya. In lagu caawiyo iskaba daaye, waaba laguugu qaxweyn oo maalmahaas adigaa miiska saaran”.

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sheekadda hadba dhinac uga gorfeynayaan, ayaa mid hor leh hadalkii qaatay isagoo cod gaaban oo aan is leeyahay waxa uu diidayaa in hadalka la maqlo ayuu la soo booday.

“Geeridii galbeed laga sheego guntaada ka filo..” ayuu ugu horeen ku daah furay hadalkiisa. Isagoo sii raacsaday “Xaaladda tarxiilka soomaalideena, sidaan moodeenu sheekada way ka ween tahay, arrinkuna ma ahan Xamar ayaa nabad ah iyo deegaan heblaayaa gafuur duubtii laga saaray. Soomaaliya inaysan ka jirin nabad, adduunweynahaa marqaati ka ah. Barqocad ayaa wixii la doono lagaa yeelanayaa, cid kaa horistaagi kartana ma jirto”.

Isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri “Dowladda Norwey waxay sanooyin ka hor xiligii dowladdii dhexe dalka ka jirtay isku dayday inay baddeena shidaalka dhex ceegaaga iyo qeyraadka kale soo saarto….Hase ahaatee umma suurtagelinoo, waa laga diiday…..halkaas kuma ekaane wixii xiligaas ka dambeeyey mar waliba waxay ahayd kuwo fursad raadis ah, ilaa dowladnimadeenii aan sharafta iyo cisaha ku lahayn meeshii ka baxday”.

Norwegian-ku  burburkeena kadib,  waxay fursad kale oo lama gefaan ah u aragtay inay dhanka Kenya u marto sidii ay badda ku hantin lahayd….waxay dowladda Norwey Kenya u meerisay inay baddeena sheegato gaar ahaan meelaha ceelasha shidaalka leh, waana halka hadda dooda culus ay ka socoto, iyada oo afka u buuxusay shaqsiyaad….Haddii ay Kenyaanku guusha raacdo, helaana badeena, Norweyna ayay iska dhuuqi doonta, markey soo saarato kadib.

“Markii ay soo ifbaxday in qurba joogta soomaalida meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan ay uwada istaageen difaacida badeena, anaga hadda Norwey kunoolna aan kamid aheyn, ileen qurbo joog baan nahaye, waa tan keentay tarxiilka iyo guuxa iyo hadal heynta maanta taagan”.

Mid kale oo hor leh ayaa hadalkii soo dhex galay,  isna markiisa ayuu ka dhawaajiyey sheeko kale oo cusub. Wuxuu hadalkiisa hordhac uga dhigay: “Arrimahaan aad ka hadasheen wax igu cusub ma ahan, gaar ahaan tan damaca sheeko xariirada  Norwey ee badeena. Iyada oo ay taas jirto, waxay ila tahay dhibaatooyinka halkan inagu heesta in kastoo ay iska fara  badan yihiin, haddana waxaan dhihi karaa carab-dheerideenana qeyb ayay ka tahay kacdoonkaan. Waayo waa la ogyahay hadaan soomaali nahay, inteena badan codadkeena jeebka kore in aan ugu shubno xisbiga shaqaalaha (Arbeiderpartiet), marka siyaasadii baan qeyb ka noqonay beegsasho inay jireeso miyaad moog tihiin” ayuu yiri isagoo dhoola cadeenaya ayuu kusoo xiray hadalkiisa maah-maahdan “Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya» oo aan u fahmay inuu kala jeeday xisbiga shaqaalaha.

Dooda oo meel xasaasi ah maraysa, ayaa waxaa soo istaagay mid ka mid ah baskii aan sugayay, aniga iyo dadkii sheekadda iyo guuxa dhexmarayay ee aan dhageestaha uun ka ahaa. Halkii ayaana ka kala raacnay basaskii kala duwanaa, iyadoo midba jihadii uu ku jeeday u dhaqaajiyey. in kastoo aan sii jecleesanayay inay doodu sii socoto si aan wax badan halkaa uga fahamno.

Ugu danbeentii:  aniga oo ah Bile Maxamed Cabdi, ahna qoraha qormadan,  waxaan gun iyo gunaanad uga dhigayaa in loo baahan yahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norwey inay ahaadaan dad isku talo ah, meelna la iska dhigo tala xumadda inagu habsatay. La iskana ilaabo shaqsiyaad sheegta inay matalaan dadka soomaaliyeed, taasoo aan dhihi karo sabab weyn ayay u yihiin noocyada dhibaatooyinka kala duwan ee la soo darsa Bulshadeena ,maadaama aysan jirin talaabooyin kaga aadan wax ka qabashada arrimaha mushtamaca Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalkani.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments