lørdag, april 20, 2024

Xaqiijin:Cabdisalaam Hadliye oo qirey in dowlada Soomaaliya ay wax ka ogtahay celinta soomaalida Norway

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo wareysi siinayey mid kamid ah idaacadaha soomaalida, ayaa si toos ah u qirey in dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada amnigu ay aqbashey in qoxootiga Soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan, dib loogu soo celin karo Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Cabdisalaam Hadliye ayaa iska fogeeyay in wasaarada arimaha dibada ee uu asagu wasiirka ka yahay ay arintan wax ka ogtahay, balse sheegay in dowlada Soomaaliya iyo wasaarada amnigu ay ahaayeen kuwii aqbaley heshiiska dib u celinta soomaalida Norwey.

Hadliye oo ka jawaabaya su-aal aheyd in arinta celinta soomaalida Norway uu wax ka ogahay ayaa ku jawaabey: 

Maya kama warqabin anigu, balse dowladii aqbashey, hey´adii aqbasheyna iyadana waydii. Arintan waxey hoos timaadaa wasaarada amniga. Wasaarada amnigana waxaa kujiro NISA(Hay´ada nabadsugida), waxaa kujiro emigrationka(laanta socdaalka), waxaa kujiro booliska. Wasaarada arimaha dibada wax kalama socoto qof soo celintiisa. Norway baan tagey, sharcigii baa la ii diidey, dowlada Soomaaliya sidee ugu qasbi kartaa Norway inaad wadankeeda sii joogto.

qeybta Hoos ka dhageyso wareysiga hadliye

Wariyaha wareysiga ka qaadayo Wasiir Hadliye, ayaa u eg mid Soomaaliya joogo ama aan wax badan ka ogeyn xaalada soomaalida Norwey. Laakiin reer Norway ahaan, hadalka hadliye dhadhan gaar ah ayuu noo leeyahay, maadaama awal u jirey shaki ah in dowlada Soomaaliya ay heshiis gashay.

wasiirka-amnigaHadalka wasiir hadliye waxaa xoojinayo in wasiirka amniga qaranka ee dowlada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar, uu kamid ahaa wafdigii Soomaaliya ee Norway noogu yimid dhamaadkii bishii Mai ee sanadkan. Waxaa wafdigiisa kamid ahaa General Cabdullahi Gaafow oo ahaa madaxii laanta socdaalka ee dowlada Soomaaliya, hadana ah madaxa hey-ada nabadsugida iyo danbi-baarista. Wasiirka amniga Soomaaliya, waa kan iska leh saxiixa ugu danbeeya ee xaqiijin kara in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtey.  General Gaafowna wuxuu ahaa madaxii dhanaa ee laanta socdaalka, ee isku duba ridi kartey howsha dib u celinta.

Wasiirka arimaha dibada Norway Børge Brende ayaa qirey in heshiis ay la gaari rabaan dowlada Soomaaliya, kaas oo ku saabsan celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway aan sharciga ku laheyn. Hadalka Brende ayaa soo baxey saacado kahor inta aysan wadahadalo u fariisan wafdiga Soomaaliya ka socday iyo dowlada Norway, gaar ahaan wasaarada arimaha amniga iyo dastuurka. Isla wasaarada amniga iyo dastuurka Norway, oo uu madax ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP, ayaa ah mida soo saartey wareegtada lagu amrayo in dib u qiimeyn lagu sameeyo sharciga magangalyada dad soomaaliyeed oo gaarayo 1600. 

Sida uu wareysigan(halkan riix) ku qirayo Gen.Gaafow, Dowlada Norway ayaa tababar u fidisey shaqaale ilaa 15 gaarayo oo ka tirsan laanta socdaalka ee dowlada Soomaaliya. Shaqaalahaas oo badankoodu ay hada ka howlgala anairportka Aden Caden, sida ay NorSom News ka xaqiiqsatey ilo ka ogdhaw taliska laanta socdaalka dowlada Soomaaliya.

Sida uu qirayo Ahmed Cali Ashkir oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo Norway laga tarxiiley bishii September ee sanadkan, waxaa uu isfahan wanaagsan ka dhaxeeyay ragii booliska ahaa ee isaga tarxiilayey iyo madaxda airportka Aden Cadde. Taas oo cadeyneysa in arinta tarxiilka ay madaxda airportka hore ula socdeen, aysana aheyn wax kadis ku aheyd iyaga xiligaas Axmed laga dajiyey garoonka. Axmed Cali ashkir oo aan wareysi la yeelaney ayaa sheegay in qaar kamid ah saraakiisha airportka Aden Cadde ay u sheegeen in wadanka Norway laga soo tarxiili doono soomaali badan, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka degenaanshahaada dib loo qiimeynayo. Halkan ka dhageyso wareysiga Axmed Ashkir.

Marka aad isku geyso intaas oo dhacdo oo xiriir ah, aadna ku xoojiso hadalka wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya, waxaa xaqiiqoobeysa in dowlada Soomaaliya ay heshiis ku saabsan dib u celin la gashey dowlada Norway.

Cabdisalaam Hadliye oo sii wata hadalkiisa ayaa qirey in dowlada Soomaaliya aysan kor iyo hoosba ka warqabin xaalada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Wasiirkeenii dhanaa ee arimaha dibada ayaa saxaafada ka sheegayo in dadka dib loogu celin karo Soomaaliya ay yihiin kaliya 200 oo qof, sidaas darteedna aysan aheyn wax laga wel-welo. Waxaan ognahay in Norway ay kunoolyihiin dad gaarayo 500 oo sharci la´aan ah. Hadii lagu daro 1600 ee hada sharcigooda dib loo qiimeynayo, waxey isku daar gaari karaan 2100 oo qof, oo ay kujiraan haween iyo caruur. 

Hadliye ayaa garab ku siiyey dowlada Norway iney ku saxantahay iney soomaalida dib ugu soo celiso Soomaaliya, maadaama xaalada amni ee wadanka Soomaaliya uu hada meel fiican marayo. Hadliye nabada uu ka hadlayo waa nabadee?. Ma nabada uu kaga hoos noolyahay taangiga iyo kaaraha Amisom, mise nabada ay ciyaalkiisu ku heystaan wadanka mareykanka ee uu dhalashadiisa heysto?  

 

Dhageysta wareysiga gaaban ee wasiir Hadliye.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x