fredag, mars 29, 2024

Walaalahey waxaa tashkiiliyey macalin quraan katirsan masaajidka Towfiiq

Warbaahinta qaranka Norway ee NRK oo soo xiganeyso buuga laga qorey labada gabdhood ee walaalaha ah, ayaa sheegayo in macalinkoodii quraanka uu qeyb libaax ka qaatey tashkiilinta labadan gabdhood ee ugu danbeyn ku biirey ururka daacish.

Wiil la dhashey labada gabdhood ee walaalaha ah ayaa si cad u sheegay in macalinku uu qeyb weyn ku lahaa tashkiilinta sababtey iney walaalihii xagjiroobaan. Macalinkan oo magaciisa uu yahay Mustafe, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa macalimiinta masaajidkeena weyn ee Towfiiq. Wuxuuna ahaa macalin ay hooyooyin dhowr ah oo soomaali ah oo degan Bærum, ay u qabteen si uu quraankan ugu dhigo dhalinyaro ay kamid ahaayeen labadan gabdhood ee siiriya u baxsadey. 

[adsenseyu2]

Waxaa buuga ku xusan in macalinku uu dhowr mar ka hadlay jihaadka isaga oo sheegay in qofkii jihaadka ka qeybgalo,  uu maalinta qiyaamo ku fariisan doono carshiga alle ee Janada. Sidoo kale waxaa buuga laqu xusay in macalin uu sheegay in Nabi Muxamed NNKH uu muslimiinta ku amrey iney dilaan dhamaan cid walbe oo aan qirsaneyn ilaahey, ilaa ay ka qirayaan shahaadada, ayna ka bixinayaan Zakada. 

Wiilka la dhashey labada gabdhood ayaa waxey xurguf kala dhaxeysay macalinka sida ku xusan buuga. Wuxuu wiilka sheegay in macalinku uu qurxin jirey jihaadka, isaga ardeydiisa ku riixi jirey xaga jihaadka. Waxaa buuga ku qoran in walaalka la dhashey gabdhaha uu macalinka weydiiyay su-aal ah: Ma waxaad qabtaa in gaalada dhan la laayo?. Macalinka ayaa ku jawaabey in hadalkaas uu yahay qowlkii nabigeena NNKH.

Qoraaga buuga ayaa sheegeyso in macalinku uusan si toos ah gabdhaha ugu dhiirigalin jihaadka, balse uu amaani jirey dadka ku dhinto jihaadka, isaga uu sheegay in ilaahey uu jecelyahay jihaadka, shahiidnimaduna ay tahay wax qurux badan. 

Waxaa sidoo kale buuga ku xusan in wiilka la dhashey gabdhaha uu macalinka weydiiyey, su aal aheyd: Ma taageersantahay ururka al qaacida? Macalinka kama jawaabin su-aashaas. Ma taageersantahay al shabaab? : Macalinka ayaa sheegay inuusan heynin wax xun oo uu ururkaas ka sheego.

Qoraaga buuga ayaa sheegayso in labada gabdhood mid kamid ah, ay kasoo xigatey in macalinku uu aqoon u lahaa qaar badan oo kamid ah dhalinayrada Siiriya u baxsadey, uuna awood u leeyahay inuu caawiyo dhalinyarada cusub ee rabta iney safraan. 

NRK ayaa isku dayey inuu xiriir la sameeyo macalinka, balse macalinka ayaa diidey inuu wax commenti ah ka bixiyo arimaha lagu soo eedeeyay. 

Warbaahinta NorSom News ayaa isku daydey iney raadiso macalinka, si aan wax uga weydiino arintan lagu eedeynayo, balse nooma suurtagalin. Waxaan xiriir la sameyney qaar kamid ah dadka aqoonta fiican u leh macalinka, waxeyna noo sheegeen in arintaas macalinka lagu eedeynayo ay tahay mid xaqiiqada ka fog. iyaga oo noo sheegay in macalinka uu yahay nin dhalinyaro ah, oo aan da´ahaan wax badan  aan ka weyneen gabdhaha lagu eedeynayo inuu tashkiiliyey. Qaar kamid ah dadka aan la xiriirney ayaa noo xaqiijiyey in macalinku uu yahay wiil dhalinyaro ah, oo aad u af-gaaban, eyna ka suurtogalin inuu dhalinyaro islaameed ku hago iney dagaal u aadaan wadan kale. Waxey kaloo noo sheegeen inuu dagaal hoose ka dhaxeeyay wiilka gabdhaha la dhashey iyo macalinka.

Dhanka kale waxaan xiriir la sameyney Abdwaan Sadiq Abdulllahi Gabyaaye, oo ah aabaha dhaley labada gabdhood. Wuxuuna noo sheegay in macalinku uusan aheyn sababta kaliya ee arintaas sababtey, balse uu qeybtiisa ku lahaa tashkiilinta iyo xagjirenta labadiiisa gabdhood ee Siiriya aadey. Sidoo kale ururka dhalinyarada ee ISLAMNET, wadaadada Online.ka wax ka wacdiyo ayuu abwaan Gabyaaye sheegay iney qeyb ku lahaayeen sababaha kaliftey in labadiisa gabdhood ay ku biiraan ururka Daacish.

Gabgaaye ayaa noo sheegay inuu jiro wiil kale oo kamid ah dhalinyarada u baxsatey Siiriya, kaas oo ugu danbeyn lagu guuleystya in lasoo celiyo. Wiilkaas Siiriya kasoo noqdey ayaa sheegay in macalinku uu lahaa saameynta ugu weyn ee sababtey inuu xagjirooba, ugu danbeyna Siiriya aado-

Aabaha dhaley labada gabdhood ayaa noo sheegay inuusan wax dhibaato ah uusan u qabin macalinka, balse xaqiiqadu ay tahay inuu qeyb ku lahaa bixitaanka gabdhiisa ay u baxsadeen Siiriya. 

Warbaahinta Norway ayaa si xad dhaaf ah u hadalheyso buuga laga qorey gabdhahan walaalaha ah, waxaana laga yaabaa iney soo baxaan macluumaad kale oo ku saabsan arintan. Taas oo saameyn ku yeelan karto bulshadeena soomaaliyeed ee wadankan.

Waxaan dhawaantan wareysi la yeelan doonaa Abwaan Gabyaaye oo ah  aabaha dhaley labada gabdhood, si aan u ogaano macluumaad dheeri ah oo ku saabsan buugan iyo sheekada labada gabdhood ee siiriya u baxsadey. 

Xigasho/kilde: NRK. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x