Waxaan leysinka taksiga ka iibsaday nin soomaali ah

0
128

Maxkamada Oslo ayaa shaley xukuntay afar nin oo lagu eedeeyay inay leysinka wadida taksiga ku iibin jireen magaalada. Afartan ayaa lagu xukumay xukuno xabsi oo u dhaxeeyo sadex ilaa 10 bilood. 

Sidoo kale waxaa dacwad lagu soo oogay ilaa 32 qof oo la sheegay inay magaalada si sharci daro ah taksi ugu wadeen, kadib markii ay niman ka iibsadeen leysinka taksiga. Afartan nin oo dhalashadooda aan la sheegin ayaa leysinka ku iibin jiray lacag u dhaxeyso 25 ilaa 30 kun.

Afarta ninba waxay diideen inay wax danbi ah sameeyeen, iyaga oo iska fogeeyay dhamaan dacwadihii lagu oogay. Mid kamid ah raga lasoo dacweeyay ayaa sheegay in uu leysinka taksiga ka iibsaday nin soomaali ah oo magaalada ku iibiyo leysinka, uuna u dhaxeeyay ninkaas soomaaliga ah iyo sadex qof oo kale oo leysinka u baahnaa.


Ifølge den ene tiltalte hadde han selv kjøpt kjøreseddel fra en somalier og var bare mellommann for tre andre menn som ville ha falsk kjøreseddel…les mer på norsk her: 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments