Muhiim: Sharciyada leysinka baabuurta oo isbadal weyn lagu sameeyay.

0
235

Laga bilaabo kowda bisha oktober ee sanadkan 2016,waxaa dhaqangalayo xeerar iyo sharciyo cusub oo ku saabsan leysinka wadida baabuurta.  Xeerarkan cusub ayaa isbadal weyn ku sameyn doono shuruudaha caafimaadka qofka looga baahanyahay inuu buuxiyo, si uu u helo leysinka baabuur wadida. Xeerkan cusub ayaa  wuxuu waafaqsanyahay xeerka guud ee baabuur wadista wadamada EU-da.

Dhaqtarkaaga garka ( Fastlege): Waxaa muuqato in dhakhtarka gaarka ah ee qofku uu door weyn ku yeelan doono qaadashada qofka ee leysinka darawalnimada baabuurta. 

-Ka hor inta ayna soo baxin sharciyadan cusub waxaa qofka raba inuu qaato leysinka baabuurta uu ku qasbanaa inuu warqada cafimadka ka codsado xafiiska gudoomiyaha  gobalka ( Fylkesmannen). Xeerkan cusub waxuu dadka u ogalaanaya in qofku uu warqada cafimadka ka dalban kara dhaqtarkiisa gaarka ah (fastlege). Dadka aan buxin karin sharuuhada cafimaadka ee Sharcigan cusub, waxaa laga mamnuuci kara inay ogalansho u helan qaadashada liisanka darawnimada.

F.G: Dadkii horey u haystay ogalanshaha warqada cafimad ee gudoomiyaha gobolka, ma qabanayo xeerkan cusub ilaa inta uu ka dhacayo kii ay horey u heysteen. Waana laga cusboonaysisan karaa Gobalka ila bisha 30 september ee sanadka 2019. 

-Dhaqtarka gaarka ah ee qofku  waxa uu baaritaan ku sameyn doonaa doona arimahan soo soda:1)Araga iyo maqalka qofka. 2)Xanuunada maskaxda iyo waliba hab dhaqanka qofka. 3) Xanuunada saameeya dhaqdhaqaaqa jirka 4) Isticmaalka dawooyinka dhaqtarka iyo isticmalka maandooriyaha ( rusmidler).Sharcigan cusub qof ee baaritaanka dhakhtarka  ma ahan mid qaban doono qofwalbe, laakiin waxaa baaritaan la marsiin doonaa qofkii laga shakiyo awoodiisa caafimaad ee baabuur wadadista ama hadii laga shakiyo in caafimaadka qodobada kor ku xusan uu hoos u dhac ku yimid. Sharciyada isbadalka lagu sameeyay waxaa kamid ah

Araga: Xeerkan cusub ee leysinka wadida baabuurta uma ogolaan doono inuu qofka qaato leysinka baabuurta ee groupyada 2 iyo 3, hadii labada indhood uusan midkood waxbo ka arkin.

Isticmalka daawooyinka:  a) Isticmaalka daawooyinku waxa ay saameyn ku yeelan karaan awooda darawalnimo ee qofka. Sidaas darteed Waxuu sharciga cusub  adkeeyay mamnuucida isticmaalka dawooyinka qaarkood xiliga baabuur wadida.  tusaale ahaan Paralgin forte ( xanuunbaabi’iye), sobril (dawada degananshaha laga helo) iyo Imovane ( dawada hurdada ). Dhaqtarka gaarka ah ee qofka ayaad faah-faahin kala xiriiri kartaa, isaga ayaana sharaxaad dheeri ah kaa siin karo isticmaalka daawooyinka ee xiliga ee qofku baabuur wado.

b) Isticmaalka daawooyinka macaanka: Sharcigan cusub ayaa qofkii isticmaala daawooyinka macaanka ee Insulin ama daawooyinka kale ee sonkorta dajiyo, ka mamnuucayo inuu qaato leysinka darawalnimada baabuurta gaadiidka dadweynaha ee Busska.

3) Wadne xanuunka: Hadii aad qabto wadna xanuun oo aad rabto inaad cusboonaysiisato liisanka darawalnimada nooca 2 iyo 3 waxaad xiriir la sameysaa dhakhtarkaaga gaarka ah, isaga ayaa arintaas kaa caawin karo, adigu oo aad ku wareerin xafiiska gudoomiyaha gobalka.

4) Qalalka ama miyir beelka:Sharciga cusub ayaa sheegayo in dadkii lagala noqdey liisanka darawalnimo sanadadii ugu danbaysay sababo la xiriiro qalal ama miyir dabool inay hada dib usoo codsan karaan liisankooga darawalnimo laga bilabo 1. oktober 2016, waase hadii ay xanuunkoodii noqday mid ay ka soo raystey sidii hore. Sharcigan cusub ayaa sidoo kale sheegayo in qofku uu la xiriiri karo dhaqtarkiisa gaarka ah  si aad uga heshid warqad cadeyn ah oo caafimaadkaaga ku saabsan ama booliska deegaanka aad tahay. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments