onsdag, november 20, 2024

Masuuliyadda saaran qof kasta oo Soomali ah oo ku nool Norway. Mohamed B. Hønefoss

Bismillaahi raxmaani Raxiim, Ilaah ayaa mahad leh inoo suurta geliyey inaan maanta farriimaha iyo warka isu marinayno aalladda casriga ah ee Interneetka,waana mid loo baahanyahay in looga faaidaysto sida ugu haboon iyo waqtigii munaasib ahba.
Anigoo taas ka faaidaysanaaya ayaan doonayaa inaan la wadaago walaalaha Soomaaliyeed ee ku xiran boggan , qodob muhiim ah kaasoo ah masuuliyadda saaran qofkasta oo inaga mid ah sida ku xusan cinwaanka. Waxaan soo galay dalkana sannadkii 2004, waxaana aan markii u horreysayba arkay sida ay u liidato tayada dadka soomaaliyeed ee dalkan ku nool waloow tiro ahaan la ahaa dad aad u faro badan.

Waxyaalihii aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ahaa sida saxaafada iyo mediyaha dalku ugu talaxtageen ,xumaanta iyo ceebta dadka soomaaliyeed. Iyadoo waxyaalahii lagu tilmaamaayey soomaalida ay ka mid ahaayeen inay yihiin dad aan shaqaysan, aanna samayn is dhexgal, taasoo aan aad uga gilgishay maadaama aanan taas ku aqoon dhaqankeenna iyo dadkeenna toona.
Waxaan ku aqiin soomaalida ilaa maantana ku aqaan dad firfircoon oo shaqa badan, kartina leh qaadana masuuliyadda iyo howsha loo diro. Dhanka is dhexgalkana waxaan ku aqaan dad dhex gal leh furfuran ,soo dhoweeya ciddii soo dhex gasha, ixtiraamana qofka ku dhex nool.

Dib inaan u milicsado sawirkaa foosha xun waxaa igala fiican inaan ka hadlo xaqiiqadii aan kala kulmay Soomaalida iyo sida dhabta ah. Waxaan kala kulmay dalkan Soomaali badidood ay dadaalayaan , leeyihiinna hiigsi iyo hammi koreeya,waxaanna arkay dad wax baranaaya,shaqaysanaaya, iyo kuwo ku mashquulsan siday u heli lahaayeen aqoon iyo khibrad dheeri ah si ay u helaan shaqooyin. Waxaan aad ula yaabay oo aan dalkan ka arkay in Soomaalida 6 kamid ah 10 kii kastaa ay haystaan leeysanka gaariga lagu wado, gaar ahaan Soomaalida deggan magaalooyinka ka baxsan caasimadda.

Dhanka Is dhexgalka waxaan arkay in gob kasta oo la isugu yimaado ama lagu sameeyo xaflad u dhexeeysa bulshada Norway ku nool ay soomaalidu ka galaan kaalinta koowaad , oo ay halkaas ku soo baandhigaan cuntooyin iyo hiddo iyo dhaqan ay cid waliba jeclaysato. Waxaa waddankan caan ka noqday cuntada soomalida oo Norwaajiga iyo ajaanibkuba ay ka sheekeeyaan, gaar ahaan sambuusaha oo intii soomaali la macaamishayba ay kugu soo hadal qaadayaan kolka aad is barataan.

Waxaan soo ogaaday in Soomaali badan ay cunta soomaali iyo dhaqan soomaali ay iskoolada caruurta iyo dugsiyada sareba ku soo bandhigeen farshaxan iyo dhaqan soomaali aad loo jeclaystay.
Waxaa iyaguna aad u xiiseeya cuntada iyo dhaqanka soomaalida ururada samafalka iyo iskaa wax u qabsada oo marka ay xaflad qabanqaabinaayaan ku xisaabtama cuntada soomaalida.
Dhanka shaqada haddaan usoo noqdo Soomaalidu waxay hayaan shaqooyin badan oo bulshada u muhiim ah, sida tagaasida iyo wadidda basaska,waxay kaloo ka shaqeeyaan shaqooyinka sare ee xirfadda iyo aqoonta gaarka u baahan,waxayna jagooyin wanaagsan ka hayaan cisbitaaladda,hay,adaha dowladda, waxaana jira dhaqaatiir badan oo gaarkood sameyeen baaritaanno miro dhalay kuwaas oo aan laba ka mid ah anigu si fiican u aqaan.

Waxay soomaalidu jagooyin sare ka hayaan shirkado waaweeyn oo dalka ka dhisan,waxayna ku shaqeeyaan macalimiin,tababarayaal iyo farsamooyinka gacanta oo badan.
Soomaalidu waxay ka qaybqaataan siyasadda waddanka oo soomaali badan ayaa xubno ka ah golayaasha deegaanka meelha ay deggan yihiin, waxaana la saadilaanaayaa in sanadaha soo socda ay geli doonaan baarlamaanka qaranka.Waxay kaloo soomaalidu leeyihiin ganacsiyo badan oo ka jira dalka oo dhan,waxayna qaarkood leeyihiin ama wax ku leeyihiin shirkado leh dhaqaalo xoog weyn.

Haddaba waxaa jira caqabado hor taagan in soomaalidu noqdaan dad muuqda waxaana ka mid ah in aan soomaalidu ahayn dad u diyaar ah inay iska difaacaan ciddii masaalixooda iyo danahooda hor taagan. Waa laga yaaba in ay xanaaqaan marka ay arkaan wax ay diidaan laakiin in laga fariisto og, aanna laga soo saaro ayaa adag. Waxaa kale oo jira oo caqabdaha ugu weyn kala daadsanaanta iyo khilaafka joogtada ah ee ku salaysan deegaan iyo qabiil.

Haddaba si aan u ilaashanno danaheenna iyo midnimadeenna waa in qof walba uu qaado masuulidda saaran kuna dadaalo sidii uu danta umadda uga dhigi lahaa mid ka horeeysa tiisa gaarka ah.
Waa in aan wada raadinno inaan muujinno wanaageenna ,xumaanteenana aan meel uga soo wada jeensanno. Waa in aan ilaalinno afkeenna iyo dhaqankeenna si aan u ahaanno ummad leh astaan iyo summad lagu garto, ubadkooduna u bartaan una dhaxlaan dhaqankaas iyo hiddahaas wanaagsan.
Waa in caruuraha la baro afkooda lagulana hadlo marka ay guriga joogaan ,reerkana uu afkoodu noqdo af soomaali si ay u noqdaan kuwo is afgarta dareemana isku xirnaanta qoysnimo iyo tan kala dhexeeysa dadka kale.
Waxaa iyaduna muhiim ah in aqoonta iyo khibradda taal Norway aan u sii gudbinno dalkeennii si aan u gaarsiinno bulshadeenna horumar iyo wanaag ay horay ugu sii tallaabsadaan,waana inaan koobiyayno wax kasta oo wanaag ah oo aan dalkanku aragno hadday tahay aqoon, dhaqaale,siyaasad iyo hab maamulba.Waana inaan baranno in wada noolaanshuhu yahay wax aasaas u ah bulshada, oo sida aan ajnabaigaba ula noolnahay waa inaan isula nolaanno dhexdeenna ilownona kala duwanaanshaha fikirka.

Waana inaan ku hamminaa dhisidda mustaqbal aan qurbe kaga kaaftoonno .Waxayaalahaasi oo dhammi waa masuuliyad saaran qof kasta oo soomaali ah ,lana doonaayo inuu ka soo baxo kaalintiisa.
Waxaan diyaar u ahay in maqaalkayga laga soo saari karo dhalliilo, waana la isixi karaa,la igalana doodi karaa,lana ila soo xariiri karaa. Waxaan ka cudur daaranayaa inaanan ahayn qoraa sidaa darteed waxiiqalad ah oo xagga qoraalka iyo habkiisaba raalli ha la iga ahaado, hana la isaxo.

Waxaan ilaah ka baryayaa inuu inaga dhigo ummad leh hiigsi iyo hammi fog.

Mohamed Bashiir Hønefoss

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x