Troms: Guri islaameed ayay gashay saqdii dhexe, kadibna dab qabadsiisay.

0
95
Foto: IF

Booliska magaalada Nordreisa ee Woqooyiga Troms, ayaa xabsiga dhigay haweenay labaatameeyo jir ah, taas oo xaley saqdii dhexe dab qabadsiisay guri ay ku noolaayeen qoys. Xubnaha qoyskan oo xiligaas hurday, ayaa ka booday daaqada guriga, si ay naftooda uga badbaadiyaan dabka.

Booliska ayaa sheegay ineysan jirin wax xiriir ama aqoon ah oo ka dhaxeeyay haweeneyda guriga dabka qabadsiisay iyo qoyska guriga degenaa.

Dabka ayaa dhaawac xoogan gaarsiiyay guriga ay qoyska ku noolaayeen, waxaana sidoo kale dadkii degenaa laga bixiyay guryo ka agdhow guriga dabka laga qabadsiiyay.

Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay oo guriga degenaa, ayaa guriga kasoo badbaaday, iyaga oo uusan soo gaarin wax dhaawac jir ahaaneed ah, sida ay boolisku sheegeen.

Xigasho/kilde: Kvinne pågrepet etter boligbrann i Nord-Troms

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments