Oslo: 2 nin soomaali ah oo 2 habeen oo is xiga qaad kiilooyin ah lagu qabtay Garoonka Oslo.

0
153
Foto: Tollvesenet

Sida ay sheegeen booliska garoonka diyaaradaha Oslo, waxaa xaley garoonka Oslo lagu qabtay nin soomaali ah oo 50-meeyo jir ah, kaas oo tahriibanayay kiilooyin qaad ah. Booliska garoonka Oslo ayaa sheegay inay boorsada ninkan kasoo saareen 20 kiilo oo maandooriyaha qaadka ah.

Booliska garoonka diyaaradaha Oslo ayaa sheegay in ninkan ay u badantahay inuu la socday diyaarad ka timid dalka Holland, halkaas oo ah meesha qaadka ugu badan ee Norway lagu qabto uu kasoo galo. Wuxuuna hada ku xiranyahay xarunta booliska ee lillestrøm.

Habeen hore ama habeenkii khamiista, ayay sidoo kale booliska garoonka diyaaradaha Oslo qabteen nin kale oo heysta dhalashada dalka Holland, kaas oo warbaahintu ay qoreyso inuu isna asal ahaan Soomaali yahay. Ninkan ayaa isna lagu qabtay 18 kiilo oo qaad ah.

Booliska ayaa sheegay in labada ninba ay muteysan doonaan ganaax, hadii ay qirtaan danbiga lagu heysto. Ayna u badantahay in labaduba Norway laga musaafuriyo.

Xigasho:

For andre natt på rad, ble en mann tatt på fersken på Gardermoen

Nederlender tatt med 18 kilo khat på Gardermoen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments