Wargeys: Denmark hal bilyan kr miyay ku badalatay heshiis dib u celin?

0
144

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Denmark, Jeppe Kofod ayaa isbuucan bilowgiisa booqasho aan la shaacin ku tagay magaalada Muqdisho. Wuxuuna kulamo la qaatay reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wasirka arrimaha dibadda Dibadda, Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark ayaa shir jaraa´id oo ay wada qabteen dhigiisa Soomaaliya ku sheegay in Denmark ay diyaar u tahay soo celinta, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Denmark ay lacag 120 milyan ah galin doonto Soomaaliya, taas oo Soomaaliya looga caawin doono arrimaha dhismaha hey´addaha dowlada, maalgashi iyo bixinta adeegyada dadweynaha.

Heshiis dib u celin:

Warbaahinta dalka Denmark ayaa maalmahan tabineysay warar ku saabsan in Denmark ay lacagta ay ku taageereyso ay ku badalatay fulinta qorshaha ay dib ugu celineyso qoxootiga Soomaalida ah ee dalkaas ka heysta diidmada codsiga magangalyada.

Warbaahinta ayaa wasiirka weydiiyay su´aalo badan oo ku saabsan inay wax heshiis ah isku afgarteen dowlada Soomaaliya, si ay uga ogolaadaan fulinta qorshaha ay dowlada Denmark wadato ee dib u celinta.

Maxkamada Yurub ayaa dhawaan soo saartay go´aan dowlada Denmark ku qasbayo inay joojiso dhamaan dadka ay rabto inay ku celiso Muqdisho, maadaama amaanka Soomaaliya uu yahay mid aan wali la isku haleyn karo.

Xigasho/kilde: Minister gav Somalia en milliard og er tavs om hjemsendelser.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments