Goormee la ogaan doonaa qofka ku guuleysta bilada Nobel Peace Prize-ka.

0
237
FOTO: Farah Abdi Warsameh, A

Bilada nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize oo ah mid sanad walba laga bixiyo dalkan Norway, ayaa sanadkan soomaalida aduunka kunool u yeelatay xiiso gooni ah.

Xiisahaas oo ka dhashay kadib markii ay soo baxday in dadka kooban ee isugu soo haray ku guuleysiga biladaas ee sanadkan, ay kujirto gabar dhalinyaro soomaali ah.

Ilwaad Elman oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, ayaa sanadkan loo tirinayaa dadka jaaniska fiican u leh ama loo badin karo ku guuleysiga biladaas.

Maamulaha Machadka cilmibaarista Prio Henrik Urdal oo kamid ah dadka xiriirka dhow la leh xarunta bixisa biladda Nopel Peace-ka ayaa isbuucan warbaahinta u sheegay in sadex dhalinyaro ah oo ay kamid tahay Ilwaad Elman ay sanadkan ku guuleysan karaan biladaas.

Goormee la ogaan doonaa jawaabta:

Sida ku xusan webka xarunta Nopel Peace centerka, waxaa ugu danbeyn qofka ama dadka biladaas ku guuleystay lagu dhawaaqi doonaa 11-ka bishan October.

Ilwaad Elman ayaa ah gabar uu dhalay Elman Ali Ahmed oo ahaa samafale soomaali ah oo sanadkii 1996 lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xigasho/kilde: Ilwad Elman fra Somalia er en av de heteste kandidatene til å vinne Nobels fredspris. Vinneren annonseres fredag 11. oktober.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments