Sweden: Kireynta guryaha ee gacan labaadka ah, waxaad ku mudan kartaa xabsi gaaraya 2 sano.

0
199

Dalka Sweden waxaa dhawaan ka dhaqangalay sharci qofka gurigiisa ku kireeya gacan labaad uu ku muteysan karo ciqaab xabsiyeed, iyo in guriga laga saaro. Sharcigan ayaa dhigaya in:

  • Qofkii qaab suuq madow ku kireeya guriga uu degan yahay ama qayb ka mid ah guriga waxaa lagala noqonayaa heshiiska guriga ( leiekontrakt), waxaa kaloo uu mudan doonaa ganaax iyo xarig.
  • Qofkii doonaaya inuu guriga uu degan yahay qaab gacan labaad ah kusii kireeyo waa inuu la socodsiiyaa,heshiisna la galaa hay’ada ama shirkada guryaha iska leh.Heshiis ka dib qofka waa uu sii kireyn karaa guriga balse waa inuu qaadaa ijaar macquul ah oo aan kan suuqa caadiga ah ka sarayn.
  • Qofkii lagu helo, inuu guri si suuq madow ah ku kireeyey, haddana uu qaaday ijaar midka suuqa caadiga ah ka sareeya, waxaa uu mudanayaa gurigii oo laga qaado iyo laba sano oo xarig ah, ama mararka qaarkood ilaa afar sano oo xarig ah.

Soomaalida oo ah dadka ugu badan ee sida la sheegay guryaha ku kireeya ama ku kireysta qaabka gacan labaadka ah, ayaa sharcigan wuxuu ku yeelan karaa saameyn xoogan.

Goobaha ay soomaalida isugu imaadaan ee dalka Sweden, ayaa waxaa maalmahan aad looga hadalhayay sharcigan iyo sida uu saameynta ugu yeelan karo soomaalida dalkaasn ku dhaqan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments