Xubno katirsan Frp oo raba in Abid Raja laga qaado xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

0
106
Foto: JD

Labadii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa warbaahinta Norway heystay muranka afka ah ee u dhaxeeyay siyaasiyiin katirsan xisbiyada Venstre iyo Frp. Gaar ahaan Abid Raja iyo wasiirkii hore ee cadaalada, Per willy Amundsen.

Muranka labadan xisbi ayaa mar kale su aal galiyay qaabka wada shaqeyn ee xisbiyada afarta ah ee ku midoobay xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

Sida laga ogaaday qoraal sir ah oo ay isku gudbiyeen xubnaha xisbiga Frp ee baarlamaanka, qaar kamid ah xildhibaanada xisbiga Frp ee baarlamaanka, ayaa wada mooshin ay ku rabaan in xilka gudoomiye ku xigeenka looga qaado Abid Raja.

Raja oo katirsan xisbiga Venstre ayaa kamid ah shanta gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka.

Inta badan xubnaha xisbiga Frp ee baarlamaanka iyo guud ahaan xubnaha kale ee baarlamaanka ayaa kasoo horjeedo mooshinka ay wadaan Frp, ee ku saabsan in xilka laga qaado Abid Raja.

Xigasho/kilde: Per-Willy Amundsens (Frp) forslag om å ta fra Abid Raja (V) vervet som Stortingets visepresident møter motstand i eget parti

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments