Leysinka Wadista Baabuurta oo qaab digital ah loo sameeyay.

0
220
Foto: Vegvesenet

Hadii adiga oo baabuur wada ay boolisku ku istaajiyaan, ayna ku weydiiyaan leysinka wadista baabuurta, isla markaana leysinka baabuurka aan wadan xilifaas, waxaad muteysan kartaa ganaax dhan 500 kr.

Laakiin wixii ka bilowday kowda bishan October ee sanadkan, waaxda socdaalka iyo gaadiidka ee dowlada Norway, ayaa sameysay App uu qofku si digital ah leysinkiisa ugu soo dagsan karo mobilka. App-kaas oo dowladu ay sheegtay inuu u shaqeynayo sidii leysinka caadiga ahaa, qofkuna uusan mar walba u baahneyn inuu kaarka leysinka wadista baabuurka wato.

Booliska ayaa sidoo kale dadka ku wargalinayo in leysinka digitalka ah uu ilaa hada ka shaqeynayo gudaha Norway, qofkii ka baxaya xuduuda Norweyna ay waajib ku tahay inuu wato kaarka leysinka wadista baabuurka.

Xigasho/kilde: Nå trenger du ikke ha med førerkortet lenger

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments