Muxuu yahay sawirka isbuucii ugu danbeeyay aad looga hadalhayay Norway?

0
117
Foto: Faksimile NRK

Khamiistii lasoo dhaafay dhaxalsugaha boqorka Norway, Kronprins Haakon ayaa booqasho ku tagay masaajidkii la weeraray ee Bærum. Si uu dareenkiisa iyo dareenka qoyska boqortooyada ula qeybsado dadka muslimiinta ah.

Markii uu Haakon soo galay masaajidka, wuxuu gacan qaaday dhamaan dadkii uu la kulmayay, balse waxaa gacmaha kala laabtay qaar kamid ah dumarkii kulanka joogay, kuwaas oo xabadka u saaray gacanta, intii ay toos u gacanqaadi lahaayeen.

Mid kamid ah sawirada kulanka laga qaaday ayaa muujinaya dhaxalsugaha boqorka oo gacanta u taagayo gabar katirsan dalada ururada islaamiga ah ee IRN, iyo ayada oo xabadka gacanteeda saareyso, si ay u muujiso inaysan gacanta ka salaami karin qof rag ah oo ajnabi ka ah.

Sawirkaas ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad looga hadalhayay baraha bulshada iyo warbaahinta. Waxaana dooda soo dhexgalay oo si guracan u adeegsaday qaar kamid ah siyaasiyiinta katirsan xisbiyada garabka midig, gaar ahaan Frp.

Xurmad iyo qadarin nooma hayaan muslimiinta:

Dooda ugu xoogan ee sawirkan ka dhalatay ayaa ku saabsan in dad badan oo fikirkooda dhiibtay ay sheeganayaan in dadka muslimiinta ah aysan xurmad u beynin qoyska boqortooyada Norway, oo ah kuwo aad looga qadariyo, loogana jecelyahay wadanka.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta dhaxalsugaha loogu sii sheegi waayay in dumarku aysan salaami doonin, kahor inta uusan gacanta soo taagan. Halka kuwo kalena ay isweydiinayaan sababta arrintaas looga sii fiirsan waayay, kahor inta uusan dhaxalsugu imaaninin goobta kulanka oo aheyd masaajidka Al Noor.

Nin u hadlay Masaajidka Al Noor ayaa sheegay inay raali galin arintaas ku saabsan ay siinayaan dhaxalsugaha boqorka Haakon, iyaga oo raaciyay ineysan sii ogeyn in qaar kamid ah dumarka kulanka joogay aysan salaami doonin Kronprins Haakon.

Gabadha sawirka laga qaaday, Zeliha Acar ayaa iyadna dhankeeda sheegtay inay gacmaha xabadka u saarnaayeen kahor inta uusan salaanta lasoo gaarin dhaxalsugaha, si ay u muujiso inay gacanta ka salaami karin. Iyada oo raacisay iney ka aheyd gudashada waajibkeeda diiniga ah, balse ay xurmad iyo qadarin lamid ah mida dadweynaha Norway ay u heyso dhaxalsuge Haakon.

 Zeliha Acar ayaa dhanka kale sheegtay in dareenka xanuunka kale ee ugu daran ee dhacdadan ay kala kulantay ay tahay fariimaha uga imaanaya walaalaheeda muslimiinta ah. Kuwaas oo sheegay inay fiicneyd inay guriga iska joogto, intii ay banaanka usoo bixi laheyd si ay howlaha bulshada uga qeybqaadato.

Gabadhan oo katirsan gudiga maamulka dalada ururada islaamiga ah, ayaa sheegtay inay rabto in kiiskan uu si dhaqso ah uga baxo warbaahinta iyo dooda dadweynaha, si loogu noqdo dhacdadii weyneyd ee ka dhacday masaahidka Al Noor.

Xigasho/kilde: Snakker ut etter håndhilse-nekt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments