Listhaug iyo Frp oo Mar kale hadal qabsi ka dhigtay soomaalida.

0
125
Photo: Ze'ev Yanai

Wakaalada xog uruurinta ee SSB ayaa dhawaan soo saartay tirokoob tilmaamaya wadamada ay kasoo jeedaan dadka qaata lacagta kaalmada ceyrta ah. Waxaana daraasadan SSB ka dalbaday xisbiga Frp.

Daraasada ayaa lagu sheegay in 26% dadka qaata lacagta ceyrta ah ay kasoo jeedaan dalalka Afrika. Soomaaliduna ay tahay qowmiyada ugu badan guruub ahaan ee qaata lacagta ceytra ah ee kaalmada dowlada.

Daraasada SSB ayaa lagu sheegay in 42% soomaalida waaweyn ay qaataan lacagta ceyrta, halka 1 kamid ah afartii qof ee dhalinyarada soomaalida ah ee Norway ku kortay ama ku dhalatay ay lacagtaas qaataan.

Sidoo kale Siiriyaanka oo ah qowmiyad ku cusub Norway ayaa daraasadan lagu sheegay inay ku dhawaad 60% ay qaataan lacagta ceyrta.

Listhaug: Waa in xad loo sameeyaa lacagta ceyrta

Wasiiradii hore ee soo galootiga, Sylvi Listhaug iyo Jon Helgheim oo afhayeenka xisbiga Frp ee soo galootiga ayaa sheegay in dad badan ay la qabsadeen inay ceyrta qaataan mudo Dheer, ayna isku dayin inay shaqeystaan.

Waxeyna sheegeen in qoysaska qaarkood ay lacagta kasoo gasho ceyrta, uga badantahay lacagta kasoo gali laheyd shaqada, hadii ay shaqeeyaan.

Listhaugs iyo Frp ayaa sheegay in loo baahanyahay in la cayimo(la yareeyo) lacagta qofka kasoo gasha ceyrta, si aysan uga badan lacagta kasoo gali laheyd shaqada.

Wasiiradii hore oo soomaalida si gaar ah usoo hadal qaaday ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo gaaray isku filnaansho. Balse ay muhiim tahay inaan la ilaawin kuwa kale ee ka danbeeyo bulshoweynta, maadaama ay heystaan caruur ku koreyso saboolnimo.

Hadalka Listhaug iyo Frp ayaa kusoo aadayo xili codbixinada hordhaca ah ee la qaaday ay muujinayaan in xisbiga Frp uu marayo meeshii ugu mudo 20 sano ah. Una xisbigaas lumiyay taageerayaal badan oo ka aamin baxay.

Xigasho/kilde: Fire av ti somaliere går på sosialen:Det er skatte­betalerne som betaler gildet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments