Booliska oo sheegay sababta keentay shil baabuur oo ay ku dhinteen labo qof oo soomaali ah.

0
166
Goobta uu shilka ka dhacay.

Booliska deegaanka Vågan ee woqooyiga dalkan Norway ayaa warbixin hordhac ah kasoo saaray baaritaanka shil baabuur oo galaaftay nolosha labo qof oo soomaali ah, iyo dhaawaca qof kale.

Sadexda qof ee baabuurku uu shilka la galay ayaa kala ahaa hooyo iyo gabadheeda, iyo wiil kale oo sodomeeyo jir ah. Wiilka sodomeeyo jirka ah iyo gabadha ayaa shilka ku geeriyooday, halka hooyaduna ay wali kujirto xaalad koomo ah.

Sida uu qoray wargeyska Lofotenposten Booliska ayaa sheegay in baabuurka shilka galay ay ku dhagsaneyd calaamada «L», taas oo muujineyso inuu ahaa mid xiligaas baabuur wadista lagu baranayay.

Waxeyna sheegeen in baaritaankoodu uu muujinayo in gabadha dhalinyarada ah ee geeriyootay ay baabuurka waday, halka labada qof ee kale ay la fadhiyeen.

Birta celiso baabuurka:

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in birta loogu talagalay inay celiso baabuurta ay ka jabtay meesha uu shilkaas ka dhacay, oo ah halka ay iska galaan biyaha badda iyo wadada. Taas oo ka hortagi kartay inuu shilkaas galaaftay nolosha labada qof uu goobtaas ka dhaco.

Waaxda wado marista ayaa lagu dhaleeceeyay inay fududeydatay baahida iyo muhiimada ay laheyd in birtaas lagu rakibo goobtaas, waxaana sida la sheegay qorshuhu uu ahaa in birtaas la xiro bishii June ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Dødsulykken i Svolvær: Autovern skulle vært utbedret i sommer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments