Afartan sababood ayaa keeni karto in Oslo markii ugu horeysay aysan yeelan xildhibaan Soomaali ah.

0
197
Fawzi, Kaafiyo, Abdi iyo Ubah= Afarta musharax ee soomaalida ah sanadkan.

Waxaa sagaalka bisha soo socoto ee September guud ahaan Norway ka dhici doonto doorashada goloyaasha deegaanka, taas oo ah mid afartii sanabada mar la qabto.

Doorashada ayaa sanadkan mar kale ah mid xiiso leh, maadaama doorashada goloyaasha deegaanka ay muujineyso awooda iyo taageerada xisbiyada ee wadanka, taas oo dhankeeda saadaal ka bixin karto doorashada baarlamaanka ee weyn.

Waxaana magaalooyinka Norway ka sharaxan siyaasiyiin asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan u taagan xisbiyada garabka bidix.

Oslo iyo afarta musharax oo soomaali ah:

Oslo oo ah meesha ay soomaalida ugu badan degantahay Norway, ayaa ah mid walba isha lagu hayo xiliyada doorashada. Waxaana golaha deegaanka Oslo sanadkan u sharaxan 4 kof oo soomaali ah, kuwaas oo sadex kamid ah ay Ap u sharaxanyihiin, halka qof kalena uu u sharaxanyahay xisbiga SV. Halkan ka akhri

Afartan sababood ayaa keeni karta in qof soomaali ah uusan soo galin:

Waxaan wareysi iyo xog uruurin ka sameynay goobaha ay ka socdaan cod bixinta Oslo, waxaana noo soo baxday in sanadkan markii ugu horeysay ay Oslo waayi karto xildhibaan gole deegaan oo soomaali ah. Waa hadii aan wax laga badalin qaabka ay hada wax u socdaan:

  1. Codadka musharaxa Oslo laga rabo oo badan

Waxaan tartanka kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo u taagan boqolaal siyaasiyiin ah oo ka socdo xisbiyada yaryar iyo kuwo waaweyn. Qaarkood ayaa si toos ah usoo gali karo, maadaama ay boosas fiican uga jiraan liiska xisbiyada ay u sharaxanyihiin, halka boqolaal kale ay ku qasbanyihiin inay helaan codad shaqsiyeed oo badan, si ay u dhaafaan musharaxiinta kale ee liiska uga horeeyo.

Si uu qofku fursad ugu helo kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, waa inuu ugu yaraan heystaa labo kun oo cod iyo wax ka badan.

2. Siyaasiyiin dhalinyaro ah oo fahamka bulshada uu ku adagyahay:

Xiliyadii hore waxaa xisbiyada Oslo uga tartami jiray musharaxiin da´ahaan iyaga oo waaweyn wadanka Yimid. Waxeyna fahamsanaayeen dareenka iyo guuxa bulshada soomaalida ah, iyaga oo adeegsan jiray taaktiko kala duwan, si ay codad uga helaan soomaalida.

Waxey tusaale ahaan uruurin jireen odoyaasha beelaha, iyaga oo si beel ahaana codadka u weydiisan jiray. Waxeyna shirin jireen asxaabtooda, iyaga oo lahaa dad u ololeeya oo meel walba oo soomaalidu ku kulanto taagan, gaar ahaan masaajidada iyo goobaha dadweynaha. Waxaa intaas dheer inay abaabulan jireen xaflado waaweyn oo musharaxnimadooda ay kusoo bandhigaan, taas oo muujin jirtay magacooda bulshada dhexdeeda.

Si ka duwan xiliyadii hore, sadex kamid afarta musharax ee sanadkan u taagan kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, ayaa ah dad dhalinyaro ah oo wadankan ku dhashay ama ku koray. Niyad ahaan aad ayay u jecelyihiin bulshada ay ka dhasheen ee soomaalida, balse waxaa ku yar fahamka «chemistriga» bulshada soomaalida ah, iyaga oo soomaalida ula dhaqmaya sidii inay la faham iyo aqoon yihiin bulshada Norwiijiga ah. Waxey soomaalida ka codsanayaan inay xisbiga ugu codeeyaan qorshihiisa doorashada, taas oo ah wadada saxda ah, balse soomaalida ayaa dhaqan ahaan qofka ka hormariyo xisbiga.

3. Soomaalida oo Ap ka aamin baxday:

Sadex kamid ah afarta musharax ee sanadkan u taagan kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, ayaa kasoo jeedo xisbiga Ap.

Hadii Aad tagto goobaha ay soomaalidu ku kulmaan, aadna weydiiso xisbiga ay u codeynayaan sanadkan, waxaa markiiba maqleysaa, Ap ma rabno, sababtoo ah waxbo ma dhaamo Frp marka laga hadlayo arrimaha soo galootiga.

Dareenkaas oo ah mid ku dhisan caadifad siyaasadeed, ayaa ah u muuqdo inuu yahay mid ka dhashay diidistii Ap ay diideen meelmarinta shuruuc badan oo dadka soo galootiga ah u fiicnaa.

Xisbiga SV ayaa u muuqdo mid kasbaday dareenka soomaalida sadexdii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan xiliyadii ay soo baxeen shuruucda adag ee soo galootiga la xiriira. SV ayaa u muuqday xisbiga kali ah ee mararka qaarkood hor diidanaa xeerarka lagu dhibayay dadka soo galootiga ah, halka mararka qaarkoodna ay soo jeedinayeen shuruuc cusub oo soo galootiga faa´iido u leh.

Saas oo ay tahay, SV ayaa ah xisbi Aad u yar marka loo fiiriyo xisbiyada Ap ama Høyre. Qofka SV katirsan ee raba inuu kamid noqdo golaha deegaanka Oslo, waxaa laga rabaa codad labo jibaar ka badan kuwa Ap ama Høyre.

4. Ap oo ilaalo joogto ah ka hayo siyaasiyiinta ajnabiga ah.

Tan iyo markii ay soo baxday fadeexadii NRK ee la xiriirtay kiiskii xildhibaan Baashe Muuse ee la xiriiray kala hadalka arrimihii dhaqan celinta caruurta, xisbiga Ap ayaa ilaalo joogto ah ka hayo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta ajnabiga ah ee xisbigaas katirsan.

Waxeyna siyaasi walba oo doorashada u taagan ay ka saxiixeen heshiis uu ku qasbanyahay inuu raaco, taas oo xadidi karta is muujinta shaqsiyeed ee qofka musharaxa ah. Wuxuuna qofku mar walba ku qasbanyahay inuu ku hadlo barnaamijka xisbiga, halka xisbigu uu yahay waxa kali ah ee qofku uu magaciisa ku ololeyn karo.

Afartan siyaabood ayaa sanadkan keeni karta in sanadkan markii ugu horeysay mudo sideed sano ah la waayo qof soomaali ah oo katirsan golaha deegaanka Oslo.

Maxey kula tahay adiga: Fikirkaaga noogu soo dir: NorSomNews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments