Xaaska(Samboer) wasiirka cadaalada Norway oo PST-du ay xabsiga dhigeen, danbiyana kusoo oogeen.

0
124
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Sida ay maanta shir jaraa´id ku sheegeen hey´adda nabad sugida iyo sirdoonka Norway ee PST-da, waxaa xabsiga la dhigay haweeneyda u dhaxdo (samboer) wasiirka cadaalada Norway, Tor Wara Mikkelsen(Frp).

Haweeneyda u dhaxdo wasiirka cadaalada Norway oo lagu magacaabo Laila Anita Bertheussen ayaa ku eedeysan inay ka danbeysay danbi habeenkii axada ahaa lagu gubay baabuurka wasiirka cadaalada. Iyada oo PST-du ay sheegtay inay wadaan baaritaano keeni karo in haweeneydan lagu soo oog danbiyo kale oo dheeri ah.

Guriga wasiirka cadaalada Norway, Tor Wara Mikkelsen ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay la kulmay weeraro iyo hanjabaado joogto ah. Iyada oo arintaas ay dhalisay muran badan oo ku saabsanaa cida ka danbeysay weerarada lagu beegsanayo wasiirka, waxaana dadka qaar ay ka shaki qabeen inay ka danbeeyeen kooxo islaamiyiin ama ajaaniib ah. Taas oo hey´adda nabad sugida Norway ku qasabtay inay ilaalo joogto ah ka qabtaan guriga wasiirka.

Maanta ayay PST-du sheegeen inay xabsiga dhigeen haweeneydan u dhaxda wasiirka cadaalada, iyada oo ku eedeysan inay ka danbeysay qaar kamid ah weerarada lagu beegsanayay wasiirka.

Madaxa hey´adda PST-da ayaa sheegtay in xariga haweeneydan u dhaxdo wasiirka cadaalada ay timid kadib qiimeyn guud oo lagu sameeyay qaabka ay wax u dhaceen. Iyada oo dhacdadii ugu danbeysay ee lagu gubay baabuurka wasiirka ay xoojisay shakiga horey looga qabay haweeneydan u dhaxdo wasiirka.

Booliska ayaa maanta baaritaan ku sameeyay guriga ay wada deganyihiin wasiirka iyo haweeneyda ay maanta PST-du xabsiga dhigtay.

Wasiirka cadaalada ayaa saacadaha soo socdo la filayaa inuu si kameel gaar ah uga dago xilka wasiirnimo.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments