Bergen: Dhakhtar si qalad ah qaliin xiidmaha uga gooyay qof xanuunsan.

0
263

Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende, dhakhtar ka howlgala isbitaalka Haukeland ee magaalada Bergen ayaa si qaldan xiidmaha(malawadka) uga gooyay qof aan aheyn kii u baahnaa qaliinkaas.

Waxaana xili danbe oo qaliinkii uu gabo-gabo yahay la ogaaday in qofka qaliinka la marsiiyay uusan aheyn kii saxda ahaa ee u baahnaa qaliinkaas. Dhacdadan oo dhacday bishii November ee sanadkii tagay.

John-Helge Heimdal oo ah madaxa qeybta qaliinka ee isbitaalka Haukeland ayaa sheegay in qofka sida qaldan looga gooyay xiidmaha uu wali kujiro daaweyn, waxaana soo gaaray culeys dhanka caafimaadka ah oo ka baxsan kii horey isbitaalka loo geeyay.

Dhacdadan ayaa lor saaray gudi soo baara sida ay ku dhacday iyo waxy qaldamay, waxaana jawaabta baarintaaskaas la sugayaa bisha April ee sanadkan.

Xigasho/kilde: BT.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments