Wasiirka cadaalada Norway oo shaqada wasiirnimo fasax ka qaatay

0
146

Sida ay daqiiqado kahor xaqiijisay reysulwasaaraha Norway Erna Solberg, wasiirka cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara ayaa codsaday inuu shaqada wasiirnimo ka qaato fasax.

Arintan ayaa timid kadib markii haweeneyda u dhaxdo wasiirka ay maanta xabsiga dhigeen booliska Norway, iyada oo ku eedeysan danbiyo ay kamid tahay inay dab qabadsiisay baabuurka qoyska, axadii lasoo dhaafay.

Haweeneyda u dhaxdo wasiirka ayaa waxaa wareysi la yeelan doono laanta nabad sugida iyo sirdoonka Norway ee PST-da. Iyada oo hadii danbiga lagu helo muteysan karto ganaax ama ciqaab xabsiyeed oo dhan hal sano.

Erna Solberg ayaa aqbashay codsiga fasaxa ee wasiirka cadaalada, iyada oo sheegtay in xiritaanka haweeneyda u dhaxdo wasiirka ay Tor Mikkel Wara ku reebtay dareen xoogan. Isla markaana uu u baahanyahay waqti uu qoyskiisa kaga warqabo.

Reysulwasaaraha ayaa wasiirka cadaalada ee kumeel gaarka ah u magacaabi doonto  Jon Georg Dal oo katirsan Frp, hadana ah wasiirka beeraha.

Wixii kusoo kordha arintan, dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments