Listhaug oo Denmark u socoto: Waxbaan kasoo baran.

0
88

Wasiiradii hore ee arimaha soo galootiga Norway Sylvi Listhaug iyo afhayeenka arimaha soo galootiga xisbiga Frp, Jon Helgheim ayaa sheegay inay arbacada beri ah u safri doonaan dalka Denmark, si ay wax uga soo bartaan.

Labadan xildhibaan oo wada tirsan gudiga arimaha soo galootiga xisbiga Frp ayaa sheegay in Denmark ay oga horeyso wadamada kale ee Yurub adkeynta xeerarka soo galootiga, ayna rabaan Inay wax kasoo faa´iideystaan.

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark Inger Støjberg ayaa labadan qof ee Frp ka wada tirsan kusoo dhaweyn doonto dalkaas. Listhaug ayaa sheegtay in Inger ay kamin tahay siyaasiyiinta ugu horeeyo arimaha dhaqan galinta xeerarka adag ee soo galootiga looga soo horjeedo.

Taageerada xisbiga Frp oo hoos u dhacday:

Xog uruurin la sameeyay isbuucyadii ugu danbeeyay ayaa lagu ogaaday in taageerada xisbiga Frp ay hoos u dhacday, wuxuuna hada xisbiga Frp noqday xisbiga afaraad ee ugu weyn Norway, kadib markii xisbiga Sp uu kala baxay booska sadexaad.

Listhaug ayaa booqasho muran dhalisay sanadkii 2017 ku tagtay Xaafada Rinkeby ee magaalada Stocklom, booqashaas oo xiligaas dhalisay dood xoogan.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments