(Video):Haweeney Somali ah oo meydkeeda laga helay Gurigeeda magaalada San Diego ee dalka Mareykanka.

0
183

Sida ay soo tabiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada magaalada San Diego ee dalka Mareykanka, meydka haweenay soomaali ah laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaaladaas dhacda gobolka gobolka California wadanka Mareykanka.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Muna Kuri, da’deedana lagu sheegay 36 sano jir ayaa warkeeda la waayey ilaa Sabtidii, waxaana markii danbe meykeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd iyadoo dhaawacyo ka muuqdaan qeybta hore ee jirkeeda.

Amiina Salad oo la dhalatay Muna ayaa sheegtay in walaasheed warkeeda iyo wacaalkeeda la waayey Sabtidii, isla markaana uu jiro tuhun ah in Ninkeeda uu ka dambeeyay dilkeeda, waxaana kiiska la wareegay Booliiska oo baaritaan bilaabay.

Saxaafadda Mareykanka ayaa sheegeysa in Muna ay markeedii hor ka timid dalka Kenya, isla markaana ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ka shaqeysa goob lagu xanaaneeyo caruurta.

Halkan ka daawo muuqaalka warbixintan

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments