Norway iyo Sweden: Waa in maxkamad caalami ah la saaro dadka usoo dagaalamay Daacish.

0
123

Wasiirka cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara ayaa sheegay inay haboon tahay in dadka heysta dhalashada Norway ee usoo dagaalamay Daacish lasoo taago maxkamad caalami ah.

Dowlada Norway ayaa qabto in dadka usoo dagaalamay ururka Daacish la saaro maxkamad caalami ah oo laga sameyn doono goobaha ay xasuuqyada ka geysteen ururka Daacish. Ama meel kamid ah wadamada Bariga dhexe.

Wasiirka cadaalada Norway ayaa sheegay inay fiicnaan laheyd in la baaro suurtogalnimada arintan, isaga oo taageero u muujiyay soo jeedin noocan oo kale ah oo ka timid wasiirka cadaalada Sweden, Morgan Johansson.

Tor Mikkel Wara ayaa sheegay inay hici karto in dadkan ay kasoo qeybqaateen dilal arxan daro ah, ama xad gudubyo ka dhan bini-aadantinimada. Sidaas darteed ay muhiim tahay in la helo meel lagu ciqaabo, si loo xaqiijiyo xeerarka ciqaabeed ee caalamiga ah.

Wuxuuna tusaale usoo qaaday in maxkamad gaar ah loo sameeyay xad gudubyadii dagaal ee ka dhacay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay , wadankii la isku oran jiray Joguzslavia, ama xasuuqii wadanka Ruwanda.

Waxaa la rumeysanyahay Inay jiraan illa 40 qof oo heysta dhalashada Norway, kuwaas oo kamid ahaa ururka Daacish, hadana ku sugan goobaha laga xoreeyay ururkaas ama aan la ogeyn meesha ay joogaan.

Wasiirada cadaalada dhowr wadan kale oo Yurub ayaa taageero u muujiyay arintan ay soo jeediyeen wasiirada cadaalada dalalka Norway iyo Sweden.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments