Soomaalida oo ah dadka ugu badan ee sanadkii tagay qaatay dhalashada Norway: Ogow tirada

0
126

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga Norway ee loo yaqaan UDI-da, ayaa warbixin ay soo saartay tirada dadka soo galootiga ah ee sanadkii tagay qaatay dhalashada dalkan Norway.

UDI-da ayaa tirokoobkan ku sheegtay in dad gaaraya 10.200 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay qaatay. Tiradaas oo kalabar ku dhawaad ka yar kuwii sanadkii ka horeeyay ee 2017 qaatay dhalashada Norway.

Soomaalida ayaa ah guruubka ugu badan ee sanadkii tagay helay dhalashada Norway, waxaana muwaadiniin Norwiiji ah sanadkii tagay noqday 1.900 qof oo soomaali ah, waxaana kusoo xiga 1.100 oo Ereteriyaan ah, halka ay soo raacaan 700 qof oo ah dadka loo yaqaan dowlad-laawayaasha(statsløse). Sidoo kale 600 qof oo reer Ciraaq ah iyo 450 qof oo Afgaanistaan kasoo jeedo ayaa sanadkii tagay helay dhalashada Norway.

Ku dhawaad 90% dadka sanadkii tagay codsaday dhalashada Norway, isla markaana buuxiyay shuruudaha looga baahnaa ayaa codsigooda ka helay jawaab sax ah.

Xigasho/kilde: ABC-Nyheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments