Trump oo Ilhaan Cumar ugu baaqay inay iska casisho baarlamaanka Mareykanka

0
76

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay gabadha Soomaali Mareykanka ah ee ku jirta Baaarlamaanka Mareykanka in ay xilka iska casisho kaddib markii ay hadallo gaf ku ah Yahuudda ku qortay Twitter-ka. 

Qoraallada Ilhaan ee ay dhibsadeen dadka Yuhuudda Mareykanka ayaa buuq ka dhex dhaliyay gudaha labada Aqal ee Mareykanka. 

Xildhibaannada Dimuqraadiga iyo kuwa Jamhuuriga ayaa intooda badan cambaareeyay waxa ay ku sheegeen isir nacayb oo ay baraha bulshada ku qortay Ilhaan. 

Ilhaan Cumar ayaa raalli gelin ka bixisay hadallada ka dhanka ah Dadka Yuhuudda ah oo ay inta badan ku dhaliisho sida ay ula dhaqmaan Dadka Falastiin. 

Madaxweyne Trump, ayaa raalli gelinta Ilhaan ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn, waxaana uu ugu baaqay in ay iska casisho kursiga Golaha Aqalka hoose ee Mareykanka. 

Waxaa kale oo uu sheegay in xittaa haddii aysan xubinnimadeeda Baarlamaanka ka baxaynin ay isaga baxdo Guddiga siyaasadda arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka hoose oo ay xubin ka tahay. 

Trump ayaa laftiisa ololaha ku galay kala qeybinta dadka iyo naceybka Umadaha qaar sida dadka Afrikaanka ah, kuwa Aasiya iyo Dadka Spanishka ah ee Mareykanka u dhashay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments