Olole taageero dhaqaale loogu uruurinayo Mahad Abiib oo ka socdo internetka iyo baraha bulshada

0
161
Foto: Skjermdupp/Spleis.no

Maxkamada racfaanka magaalada Oslo ayaa isbuucii hore diiday inay aqbasho racfaan uu Mahad Abiib ka gudbiyay go´aan ay dowlada Norway kagala noqotay sharciga dhalashada dalkan Norway, kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti, uuna ka been sheegay aqoonsigiisa shaqsiyeed.

Qareenka Mahad Abiib ayaa dhankiisa sheegay inuu ka xunyahay in maxkamadu aysan xooga saarin cadeymo dhowr ah oo cusub oo ay soo bandhigeen.

Maxkamada racfaanka ayaa go´aankeeda ku xoojisay go´aankii ay maxkamada Oslo ka gaartay kiiska u dhaxeeya dowlada Norway iyo qareenada Mahad Abiib. Waxaana ay sidoo kale Mahad ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan 138 kun oo krone, taas ah qarashkii ku baxay dhageysiga dacwada kiiskan ee makxamada Oslo.

Lacagtan ayaa caqabad ku noqon karto Mahad Abiib, hadii uu rabo inuu kiiskiisa usoo gudbiyo maxkamada sare ee Norway, si ay markale qiimeyn ugu sameyn go´aanka maxkamada hoose iyo tan racfaanka Oslo.

Olole taageero dhaqaale loogu uruurinayo:

Baraha bulshada waxaa ka socdo olole balaaran oo taageero erey ahaan iyo mid dhaqaaleba loogu muujinayo Mahad Abiib. Waxaana webka Spleis.no laga sameeyay konto lacag loogu uruurinayo Mahad Abiib. Kontadan oo la bilaabay labo maalin kahor ayaa waxaa ilaa lagu uruuriyay lacag dhan 66.5000 oo Kroner, taas oo ah 33% lacag qofka boga sameeyay uu ugu talagalay inay soo uruurto.

Qofka kontada sameeyay ayaa qoraalka boga ku sheegay inay rabaan inay soo uruuriyaan ilaa 200.000 oo dhaqaale ahaan lagu taageero Mahad Abiib, si uu kiiskiisa ugu gudbiyo maxkamada sare ee Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments