Dowlada Norway oo sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 521 qof oo Ethiopia kasoo jeedo

0
100
Abby Ahmed: Reysulwasaaraha Ethiopia
Wasiirka cadaalada Norway
Foto: First House

Wasiirka cadaalada dalkan Norway,Tor Mikkel Wara ayaa NRK u sheegay in dowlada Norway ay ka fakareyso in dib u qiimeyn lagu sameeyo magangalyada 521 qof oo Ethiopia kasoo jeedo, kuwaas oo dalkan Norway magangalyo ku heysto. Wuxuuna taas ku sababeeyay in xaalada dalka Ethiopia ay tahay mid soo hagaageyso, tan iyo intii uu talada dalkaas la wareegay reysulwasaare Abby Ahmed.

Wasiirka ayaa sheegay in reysulwasaaraha cusub uu xabsiga kasoo daayay kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah, uuna wada hadal la furay dadka mucaaradka ku ah dowlada Ethiopia. Taasna ay keeni karto in dad badan ay lumiyaan baahida magangalyada ee Norway ay ku siisay sharciga magangalyada.

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2016 meelmarisay xeer cusub oo ah in dib u qiimeyn lagu sameyn magangalyada qofka, hadii ay soo hagaagto xaalada dalkii uu ka yimid, ayna meesha ka baxdo baahidiisa magangalyo. Wuxuuna wasiirka cadaalada Norway sheegay inay qiimeyn ku sameyn doonaan in 521 qof oo Ethiopia kasoo jeedo ay buuxiyeen shuruudaha kala noqoshada sharciga magangalyada.

Sanadkan aan kujirno waxaa Norway magangalyo soo weydiistay ilaa 35 qof oo Ethiopia dhalasho ahaan kasoo jeedo. halka sanadkii hore ee 2017, ay Norway Norway magangalyo soo weydiisteen ilaa 95 qof oo reer Ethiopia ah.

Xigasho/kilde: MSN, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments