Sharaxaad: Maxaa ka dhalan kara mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ee la keenay Listhaug?

0
84

Xisbiga Rødt ayaa khamiistii lasoo dhaafay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay wasiirada cadaalada iyo soo galootiga dalkan Norway, haweeneyda lagu magacaabo Sylvi Listhaug. Waxaa isla maalintaasba mooshinka taageeray xisbiyada MDG, Sv iyo Ap. Iyada oo maalintii shaley aheyd uu xisbiga Sp sheegay inuu isna dhankiisa taageersanyahay mooshinka laga keenay Listhaug, iyaga oo Erna Solberg ka codsaday inay keensato wasiir cusub oo cadaalada ah.

Hadaba meel marka mooshinkan wuxuu kujiraa gacanta xisbiga KRF, oo ah xisbiga kali ah ee aan dowlada ka tirsaneyn ee wali aan fikirkiisa ka dhiiban mooshinkan. Gudoonka KRF ayaa isugu wacay shirweyne aan caadi aheyn, kaas oo ay uga tashan doonaan arintan culeyskeeda leh, dhalina karta xasilooni daro siyaasadeed. Gudoonka gobolada ee KRF ayaa u muuqdo kuwa ku qeybsan arintan, waxeyna ugu danbeyn go’aankooda sheegeen inay soo gudbin doonaan maalinta isniinta ah ee nagu aadan.

Xisbiga FRP oo ay Listhaug katirsantahay ayaa iyagana dhankooda isugu yeeray shir deg-deg xubnaha uga jiro baarlamaanka. Listhaug ayaa qalanjo aan dhankeeda lasoo fiirin ka ah xisbiga Frp oo kamid ah xisbiyada dowlada.

Hadaba maxaa dhicin kara: 

Inkasta oo mooshinka la keenay uu ku saabsanyahay S Listhaug, hadana wuxuu saameyn ku yeelan doonaa dhamaan xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

  1. Inay KRF taageeraan mooshinka laga keenay Listhaug, ayna Erna Solberg ku qasbanaato inay aqbasho, isla markaana ay xilka ka qaado wasiiradeeda cadaalada.

  2. In Solberg ay ku adkeysato inay wasiirad sii ahaato Listhaug, isla markaana ay baarlamaanka weydiisato kalsooni cusub oo ku aadan xukuumadeeda oo is wadato(ama na wada tuura, ama na wada aqbala, Listhaug kaligeed ma baxeyso). Taas oo ka dhigan In in markale ay KRF gacantiisa gasho mustaqbalka xukuumada reysulwasaare Erna Solberg.

  3. Hadii ay Erna Solberg ay baarlamaanka weydiisato kalsoonida xukuumadeeda, isla markaana aysan helin kalsoonida buuxdo ee baarlamaanka, waxey ku qasbantahay inay Boqorka Norway u gudbiso codsi iscasilaad ah, waxaana halkaas ku dhici doono xukuumadeeda.

  4. Hadii ay Solberg boqorka Weydiisato istiqaalad, Boqorka ayaa gudoomiyaha xisbiga ugu weyn baarlamaanka ka codsan doono inuu soo dhiso xukuumad cusub.

  5. Taas oo ka dhigan in boqorka uu gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ka codson doono inuu soo dhiso xukuumad markaas la saadaalin karo inay ka koobnaan doonto xisbiyada Ap, Sv iyo Sp.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments