Reer Norway oo ku isku heysta talada hogaanka sare ee dowlada Soomaaliya.

0
135

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siyaasada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya hareeyay khilaaf muuqdo oo u dhaxeeyo reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Cali Kheyre iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo labudaba horey uga tirsanaa jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway.

Gudoomiye Jawaari oo galabta shir jaraaid qabtay ayaa si toos ah u cadeeyay khilaafka kala dhaxeeyo Xasan Cali Kheyre, isaga oo ku eedeynayo in reysulwasaaraha uu ku tagri falay awooda golaha fulinta ee hogaamiyo, uusana xaq dhowrin kala madax banaanada golayaasha dowlada. Jawaari ayaa dhanka kale sheegay inuu diyaar u yahay in loo qaado codka kalsoonida baarlamaanka, hadii la helo tiro codad ah oo buuxiya shuruuda mooshinka.

Dhanka kale, xildhibaanada codsanayo in mooshin laga keeno Gudoomiye Jawaari, ayaa waxaa si aad uga dhex dhexmuuqdo Dr. Cabdi Cali oo isna laftirkiisu katirsanaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Labadan masuul ee hada ku fadhiya kuraasta ugu sareysa dowlada Soomaaliya ayaa horey u degenaan jiray dalkan Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments