Soomaalida Sweden oo fal celin xoogan ka muujiyay barnaamij ka baxay SVT.

0
111
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Soomaalida dalka Sweden ayaa caro xoogan ka muujiyay barnaamij khamiistii lasoo dhaafay ka baxay TV-ga qaranka Sweden ee SVT. Warbixintaas ayaa ka hadleysay toogashooyinkii sanadihii ugu danbeeyay ka dhacayay xaafada Rinkeby oo ay soomaalidu ku badantahay.

Warbixinta barnaamijka muuqaalka ah ayaa lagu xusay in shan kamid ah lixda dhalinyarada ah ee lagu dilay xaafada Rinkeby ay asal ahaan soomaali yihiin, inkasta oo qaarkood ay ku dhasheen, kuna koreen Sweden. Arintaas ayay soomaalida Sweden u arkeen midab-takoor iyo isir sooc, maadaama caruurtaas ay dhalasho ahaan yihiin Swedish.

Halkan ka dhageyso warbixin uu arintaas ka diyaariyay SverigesRadio oo af soomaali ah. 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments