FRP oo raba in sharuud aqoonta luuqada ah lagu xiro dadka u shaqeeya degmooyinka(kommune) wadanka oo dhan.

0
99

Maamulka degmada Drammen ayaa meel mariyay go’aan dadka laga shaqaaleysiinayo shaqooyinka degmada(kommune) shardi uga dhigay inay aqoon fiican u leeyihiin luuqada Norwiijiga(ugu yaraan A2 ku hadalka norwiijiga). Waxaa soo jeedintaas markii danbe meel martay lahaa xisbiga FRP.

FRP ayaa hada soo jeediyay in sida Drammen oo kale, shuruuda aqoonta luuqada lagu xiro dhamaan dadka laga shaqaaleysiinayo degmooyinka wadanka oo dhan.

Jon Helgheim oo FRP oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP ayaa Aftenposten aqoon yarida luuqadu ay khatar ku tahay caafimaadka iyo nolosha, ayna muhiim tahay in shuruud aqoonta luuqada ah lagu xiro dadka laga shaqaaleysiinayo goobaha caafimaadka, iskuulada iyo xarumaha xanaanada caruurta.

FRP ayaa sidoo kale qaba in dadka wada waxbarashada wadamo kale ay maraan imtixaan luuqada ah oo u dhigma booska shaqo oo ay markaas codsanayaan.

Dowlada ayaa sidoo kale sanadkii lasoo dhaafay gudbisay soo jeedin ku saabsan in shuruud aqoonta luuqada ah lagu xiro dadka ka shaqeeyo xaruma xanaanada caruurta ee barnehage.

Magaalooyinka Tromsø, Bergen iyo Oslo ayaa iyagan dhankooda horey usoo rogay shuruud aqoonta luuqada ah oo khuseeya shaqooyinka qaar ee laga qabto goobaha caafimaadka, xarumaha xanaada iyo iskuulada.

Xigasho/kilde: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments