lørdag, april 20, 2024

TV2: Ugu yaraan 199 qof oo laga ceshtay magangalyada, kadib markii la ogaaday inay ka been sheegeen aqoonsigooda.

Sida uu qoray muuqaal baahiyaha TV2 oo soo xiganaya tirokoob ay sameysay hey’adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga(UDI), waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 ay dowlada Norway dib ugala noqotay magangalyada ilaa 199 qof, kuwaas oo lasoo ogaaday inay ka been sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, markii ay magangalyada codsanayeen(linkiga hoose ka daawo ama ka akhri).

Sida ay UDI-du sheegtay sababaha dadkan looga ceshtay magangalyada ayaa isugu jiro inayka been sheegeen dalka ay kasoo jeedaan, da’da ay jiraan(gaar ahaan dhalinyarada) ama diintooda.

Booliska Norway, qeybtooda qaabilsan arimaha soo galootiga ayaa hada sameeyay unug(guruup)) u gaar ah oo ka shaqeyn doono inay fashiliyaan dadka aqoonsigooda shaqsiyeed ka been-sheegay, ee sida aan saxda aheyd magangalyada ku helay.

Howlgal Bergen: 

Booliska Norway, ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay howlgal ku qaaday guryo kuyaal magaalada Bergen, waxeyna soo qabteen ilaa lix qof oo ku dhiibnaa inay kasoo jeedaan Siiriya, balse markii danbe qaar kamid ah ay qirteen inay kasoo jeedaan dalka Turkiga.

Booliska ayaa sheegay iney howlgalkan qaadeen, kadib markii ay heleen fariin sheegeysa inay goobahaas ay howlgalka ku qaadeen ay deganyihiin dad ka been sheegay wadanka ay kasoo jeedaan. Waxaana markii danbe halkaas laga soo qabtay lix qof oo afar kamid ah oo wareysi lala yeeshay ay qirteen inay kasoo jeedaan xuduuda Turkiga uu Suuriya la leeyahay. Labada kale ayaa wareysi lala yeelan doonaa bisha Janaury, waxeyna boolisku sheegeen inay rajeynayaan inay iyaguna qirtaan inay ka been sheegeen aqoonsigooda.

Waaxda booliska u qaabilsan arimaha soo galootiga ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dadka ka been sheegay aqoonsigooda ay intaas ka badan karaan.

100 qof oo sheegtay inay diinta badasheen:

Isla warbixinta TV2 ayaa lagu xusay in sanadkii 2015-ka ay 100 qof oo Afgaanistaan kasoo jeed ay sheegteen inay ka baxeen diinta islaamka, ayna qaateen masiixiyada, ayna u baahanyihiin magangalyo. hey’addaha soo galootiga ayaa rumeeyay 30 kamid ah boqolkaas qof.

Xigasho/kilde: TV2.NO

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x