Abdul Ahmed: Doodii dugsi quraanada oo si xowli ah u socoto, iyo soomaalida oo wali maqane-joogayaal ah

0
237
Abdul M.Ahmed: Qoraaga maqaalkan
Abdul M.Ahmed: Qoraaga maqaalkan

Inta aan u galin dulucda maqaalkan, aan idiin xusuusiyo tuducyo kamid ah gabaygii qiimaha lahaa ee uu tiriyay 50 sano kahor abwaankii soomaaliyeed ee Cabdullahi Suldaan Timacade.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye


Beryahan dambe waxaa saxaafadda Norway aad loo hadal hayey, carruur la sheegay in Soomaaliya lagu celiyey, kadibna la geeyey dugsi Qurán. Hadal hayntan ayaa salka ku haysa qoraal dheer oo kal hore NRK ka sameeyey laba dhallinyaro ah, oo ay sheegeen in Soomaaliya lagu celiyey, kadibna xad-gudub lagu sammeeyey.

Qoraalka NRK kadib wasiiradda soogalootiga iyo is-dhexgalka ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay 7 wasiir oo kala ahaa: wasiirka caafimaadka(H), wasiirka waxbarashada (H), Wasiiradda dhaqanka(H), wasiiradda shaqada iyo arrimaha bulshada(H), wasiiradda carruurta iyo sinnaanta(Frp), wasiirka caddaalada (Frp) iyo wasiiradda amuuraha dibadda (H).

Kulanka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxaa lagaga hadlay sida wax looga qabanayo, arrimahan xad-gudubka ah ee carruurta lagula kaco. Waxyaabihii la soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in dib u eegis lagu sammeeyo xeerka baasaborada, oo waalidkii looga baqo inuu carruurtiisa qasab ugu celinayo Soomaaliya xayiraad baasaboor lagu sammeeyo. Waxaa kale oo la soo jeediyey in la eego xeer Sweden laga isticmaalo, oo carruurta qaar aanba baasaboor la siin haddii ay jiraan xaalado sababaya inaan la siin.

Weli way socotaa doodu, wakhti aan fogayna waxaa laga soo saari doonaa xeer ama sharci lagula dhaqmi doono waalidka iyo carruurta ajaanibta ah. Xeerarkaasi waxay si toos ah saammayn ugu yeelan doonaan xitaa waalidiinta raba in ay fasax gaaban ku tagaan waddankii.

Waxaa intaas dheer oo wargayska BT ee Bergen ka soo baxa daabacay warbixin arrinta dugsi Qur´aanka la xiriirta. Waxaa warbixinta ka mid ahayd in Booliiska Bergen ay soo gaartay dacwado lagu oogay waalidiin Soomaali ah baaritaana uu ku socdo.

Waxaa intaas dheer in mudaneyaal baarlamaan su,aalo ka waydiinayaan, wasaarada amuuraha dibada sida ay wax uga qabanayso arrimahan xadgudubka ah ee lagula kaco carruurta, iyo inay cadaadis ku saaraan xukuumada Soomaaliya inay dugsi Qu’raanka noocaas ah albaabada u xiraan.

Haddaba maxaa inala gudboon:

Sida aan ka warqabno, dad badan oo Soomaali ah lamaba socdaan arrimahan socda, waxayna u baahan yihiin inay ogaadaan inta aan sharci laga soo saarin. Bergen hadda waxaa ka socda dedaalo arrimaas iyo kuwo kale oo hayádda daryeelka carruurta, xannaanooyinka iyo guud ahaan arrimaha bulshada la xiriira lagaga arrinsanayo, oo ay Soomaalida Bergen qayb ka yihiin.

Waxaan haddaba soo jeedin lahaa in magaalooyinka waaweyn dadka ku nool ay is abaabulaan una tabaabushaystaan sidii wax looga qaban lahaa arrimahan dhibka badan ee carruurta lagu waxyeelaynayo.

Sida ugu muhiimsan ee arintan wax looga qaban karaana, waa in Soomaalidu ay qayb ka noqoto xal u raadinta dhibaatooyinka. Waa in aan xiriir la sammeeyaan siyaasiyiinta iyo dadka wax ka qaban kara dhibaatooyinkan. Arrimaha ina khuseeya waa inaynaan marti ka noqon, ee waa inaan qayb fiican ka qaadanaa.

W.Q: Ustaad Abdul Ahmed, Bergen


Wixii qoraal iyo fikiro ah, waxaad noogu soo gudbin kartaa NorSomnews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments