Maxkamada darajada 2-aad oo diiday racfaanka nin soomaali ah oo sheegay inuu qaatay caqiidada dariiqo taabacsan diint masiixi ah.

0
159
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada darajada labaad ayaa diiday inay aqbasho racfaan uu nin soomaali ah ka qaatay xukun ay horey kiiskiisa uga gaartay maxkamada darajada sadexaad ee Oslo.

Ninkan ayaa ku dacwoonaya inuu qaatay caqiidada dariijo katirsan diinta masiixiga(Johanes vitner), sidaas darteed uu rabo in magangalyo laga siiyo Norway. Halka UNE oo kiiska ninkan kaga hortimid maxkamada ay sheegtay in sheegashada qaadashada caqiidada dariiqadaas ee ninkan soomaaliga ah ay tahay mid aan dhab aheyn, kaliyana uu rabo inuu sharci kaga helo dalkan Norway.

Warkan ayaa lagu soo daabacay boga ay UDI-da kusoo bandhigto waxyaabaha cusub ee UDI-Regelverk. Waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay boga maxkamada darajad labaad ee Oslo iyo nawaaxigeeda.(Hoos ka akhri warbixinta arintan oo af-norwiiji ku qoran).

  • Ninkan soomaaliga ah ayaa Norway soo galay bilowgii sanadkii 2009, isaga oo markaas sheegay inuu kasoo jeedo reer(qabiil) kamid ah kuwa laga tiro badanyahay, uuna halis ugu jiray inuu la kulmo handadaad, dhac iyo dhibaatooyin kale.  Sidoo kale wuxuu markaas sheegay inuu khatar ugu jiray in lagu qasbo inuu kamid noqdo ururka Al shabaab.

  • UDI-da ayaa ninkan siisay diidmo ku aadan codsiga magangalyada sanadkii 2010-ka. Iyada oo hey´adda UNE ay sanadkii 2013 ay UDI-da ku raacday diidmada ay ninkaas ka siisay codsigiisa magangalyada. Sidoo kale ninkan ma uusan helin sharciga bini aadanimada ee Huminitær-ka.

  • Bilowgii sanadkii 2014 ayuu qareenka ninkaas soo gudbiyay dacwad cusub oo uu ku codsanayo in go´aankii hore laga noqdo, isaga oo ku sababeeyay in ninkan soomaaliga ah uu qaatay caqiidada dariiqada Johanes Vitner oo diin ahaan taabacsan diinta masiiga.

  • Sanadkii 2014-ka ayay UNE-du mar kale soo saartay go´aan ay ku sheegeyso inay u badantyahay inaan la rumeyn karin in ninkaas uu qaatay caqiidada dariiqadaas. Sidaas darteed waxey diideen inay aqbalaan codsigiisa, markana ma helin sharciga bini aadanimada ee humintærka.

  • Ninkan ayaa kiiskiiga sanadkii 2015-ka u gudbiyay maxkamada Oslo, isaga oo dowlada kaga horyimid go´aanka ay ka gaarta kiiskiisa codsiga magangalyada.

  • Maxkamada darajada sadexaad ee Oslo ayaa sanadkii 2016-ka soo saartay go´aan ay maxkamada ugu xukmisay UNE-da.

  • Ninkan ayaa bilowgii sanadkan racfaan ka qaatay xukunka maxkamada darajada sadexaad ee Oslo, wuxuuna racfaanka u gudbiyay maxkamada darajada labaad. Waxaana dhageysiga dacwada maxkamada markhaati ka ahaa ilaa 6 qof oo katirsan dariiqada uu ninkan sheegay inuu qaatay caqiidadeeda. Waxeyna soo bandhigeen howlo uu ninkan ka  qabto dariiqada gudaheeda.

  • Maxkamada darajada labaad ayaa ugu danbeyn isbuucan tuurtay ama diiday inay aqbasho racfaanka ninkan soomaaliga ah uu ka qaatay go´aanka ay xukunkiisa ka gaartay maxkamada darajada sadexaad ee Oslo.

Inkasta oo ninkan uusan magangalyo ka helin Norway, hadana waxey labada dhinacba isku fahamsanyihiin inaan lagu celin karin Soomaaliya, maadaama uu la kulmi karo dhibaato.

Xigasho/kilde: UDI-regelverk

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments