Foto: Faksimile/NRK

Abdul Ahmed waa aabe soomaali ah oo degan magaalada Bergen ee dalkan Norway. Bartamihii sanadkii 2016 ayuu tv-ga qarankan Norway ee NRK uu warbixin ka qoray Cabdul oo markaas ka careysnaa, kana cabanayay gabadhiisa oo baaritaan gudniinka ah lagu sameeyay, iyada oo waalidkeed la talo-galin ama la weydiin(Hoos ka akhri qoraalka arintan oo af-norwiiji ah).

Mar labaad ayaa hadana gabadha cabdul oo 4 sano jir ah isbuucii hore lagu sameeyay baaritaan dhanka gudniinka ah, iyada oo aan hadana waalidkeed lasoo talo-galin. Waxeyna noqoneysaa baaritaankii labaad oo gabadhaas yar ay la kulanto mudo 18 bilood gudaheed ah. Labada jeerba ma aysan helin wax muujin kara gudniin, kaliya waxa ay baaritaanadaas ku saleysnaayeen shaki.

Cabdul ayaa NRK u sheegay in arintan uu arko faquuq iyo midab kala sooc, ayna dhibaatadan badanaa la kulmaan qoysaska Afrika kasoo jeedo. Aabahan soomaaliga oo macalin ahaan uga shaqeeya iskuul kuyaal magaalada Bergen ayaa raaciyay inuu garanayo ugu yaraan labo qoys oo kale oo arintan ay ku dhacday.

Labada jeerba waa baaritaanka gabadhan yar sababay shaki ay shakiyeen shaqaalaha xarumaha xanaanada ay sabigan dhigato, sida ay qoreen NRK iyo BT. Cabdul ayaa arintaas ku tilmaamay inaysan aheyn mid cago badan ku taagan, isla markaana ay shaqaaluhu u baahanyihiin aqoon dheeri ah oo la xiriirta kiisaska ay baarayaan ama ay shakiga ka muujiyaan.

Aabahan soomaaliga ah oo wajigiisa caro weyn laga dheehan karo ayaa NRK u sheegay in qoys ahaan ay arintan culeysk ku keentay, ayna ka cabsi qabaan inay wax u dhinto xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo gabadhooda. Wuxuuna BT u sheegay inuu rajeynayo in lasoo afjaro baacsiga uu aaminsanyahay in lagu hayo qoysaska soomaalida ah.

Kristin Fjell Konglevol oo ah madaxa xarunta statens barnehus, qeybna ka ah xarumaha dowlada ee baara caruurta looga shakiyo in la guday ayaa sheegtay in ilaa hada aan la helin gabdho la guday inta ay Norway imaadeen kadib. Waxeyna dhanka kale sheegtay in shaqaalaha xarumaha xanaanada ay waajib ku tahay inay soo gudbiyaan, hadii ay shaki dareemaan.

Britt Darlington oo katirsan hey´adda caruurta ayaa sidoo kale iska fogeysay in arintan ay tahay beegsi ama baacsi lagu wado qoysaska soomaalida ah.

Akhenaton De Leon oo ah madaxa xarunta ka hortaga faquuqa dowliga ah ayaa arintan ku tilmaamay beegsi lagu hayo qoysaska soomaalida ah, ayna tahay in dowladu ay fahanto culeyska ay arintan ku yeelan karto.

De Leon ayaa raaciyay in la joogo xiligii ay dowladu badali laheyd adeegsiga qaababka arintan loo baaro.

Xigasho/kilde: NRK, Barnehage.no,  BT.NO Aftenposten.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of