Ururka ardeyda SSF oo 6500 ku wareejiyay gudiga gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

0
121

Ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway(Somalisk studentforening) ayaa lacag dhan 6500 NOK ku wareejiyay gudiga gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii sabtidii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa ah lacag kasoo xarootay cuntooyin ay SSF ku iibisay kulankii ugu danbeeyay ee uu martida ku ahaa prof Abdala Mansuur, loogana hadlayay muhiimada afka soomaaliga ee dhalinyarada kunool qurbaha.

SSF ayaa kamid ah ururada soomaaliyeed ee ugu waqtiga dheer, uguna magaca weyn ururada soomaalida ah ee ka dhisan dalkan Norway. Waxaana jaamacada Oslo lagu aas-aasay sanadkii 1993, dadka aas-aaseyna waxaa kamid ahaa Hassan Ali Kheyre iyo Cabdirahmaan Daahir oo hada kala reysulwasaaraha iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Gudiga gurmadka dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ka dhacday Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay wada howl lacag uruurin ah oo ka socotay Oslo iyo magaalooyinka kale ee Norway. Waxaana sidoo kale la filayaa inay howshaas sii wadaan labada isbuuc ee soo socoto.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments