onsdag, april 24, 2024

(Video): Duqa degmada Bærum: Allah ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday qaraxii Zoobe

Duqa magaalada Bærum, haweeneyda lagu magacaabo Lisbeth Hammer Krog oo shaley khudbad ka jeedineysay kulan baroordiiq ah oo soomaalida Bærum ay u qabteen dadkii lagu laayay qaraxii isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay inay aad uga tacsiyeyso qaraxaas. Isla markaana ay xanuunka iyo murugada la qeybsaneyso soomaalida degan Bærum oo ah duqa magaalo ka tahay.

Lisbeth Hammer Krog oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegtay inay ogtahay in dad qaraabo la ah soomaalida degan Bærum ay ku dhinteen ama dhaawacmeen qaraxaas. Sidoo kale waxey raacisay in maamulka degmadu uu wargaliyay kooxda gargaarka xaaladaha deg-dega, isla markaana ay soomaalidu lasoo xiriiri karaan, hadii ay dareemaan culeysyo maskaxeed oo waxyeelada qaraxaas ka dhalan kara.

Soomaalida degmada Bærum iyo agagaarkeeda ayaa shaley kulan balaaran oo baroordiiq ah u qabtay dadkii lagu xasuusay qaraxii isgoyska Zoobe. Waxaana halkaas isugu dad badan oo muujiyay sida ay uga xunyihiin gumaadka loo geystay shacabka soomaaliyeed ee lagu laayay qaraxii isbuuc kahor ka dhacay Muqdisho.

Halkan ka daawo khudbada duqa magaalada Bærum.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x