W.Q: Abdirahman Omar: Ardey Jaamacada Stavanger,Statsvitenskap.

Waxaa dhici karto inaad cinwaanka kore aad u xiiseyneyso, aadna jeclaan laheyd inaan falanqeeyo, adna aad dareenkaaga ku biiriso. Balse IGA RAALI NOQO! Cinwaankaas  waa mid aan aniga kaligay iska aliftay, si aan mid kale oo ka muhiimsan kuugu bidhaamiyo. Hadase maadaama aad soo gashay boggan, adiga oo mahadsan waqtigaaga ma iga siin kartaa daqiiqado yar oo kooban. 

Ma ogtahay aqristoow! ‘’Hadba inta aqriskaagu yahay, in ay aqoontaadu tahay’’

Inkastoo aanan aheyn aqoonyahan, bare duruus dhiga ama wariye mehradiisu tahay qoridda qoraalo iyo faalooyin dhaadheer, hadana waxaan jecleystay in aan idin la wadaago qormadan aan uga hadlayo arrin had iyo jeerba qalbigeyga ka guuxda, walaacna ku haysa. Qormadan waxa ay xambaarsantahay aragtiyo, talooyin iyo afkaar shaqsiyadeed. Ka qaado wixii nuxur iyo anfac ah.Waxii aadse u aragto qalad ama aan ku kala aragti duwanahay, dhamaadka qormada ayaad ka heleysaa macluumaad kusaabsan sida aad igu haleeli karto!

Sida aad ka dheehan kartaan cinwaanka kore Siyaasad maamul-goboleed iyo mid dowlad-hoosaadba ama mida dibadda ee Norway kuma soo qaadanayo qormadeydan. Mida bariga dhexe iyo khilaafka wadamada carabta kasha umaba hayo, oo waaba la iiga daran yahay.

Dabcan cinwaanka kore waxaan udoortay si aan usoo jiito feejignaanta iyo xiisaha aqrisatayaasha maadaama uu yahay hadel heynta uguweyn ee bulshada maalmahan.

FG/NB: Ha is dhihin dhaqaalo ayan kuhelayaa cinwaanka iyo qoraalkeyga aan is waafaqsaneen sida jaraaidda qaarkood ay caadeesteen xeeladdaasi.

Waxaa hubaal ah in baryahan diiradda iyo hadalheynta bulshada ay tusaale ahaan ku qotonto <<dhiibitaankii Qalbi dhagax iyo xiisada maamul goboleedyada iyo dowladda hoose>>.     Waa laba arrimood oo xiisad iyo xasaasiyad gaar leh, balse suaasheydu aqristoo waxa ay tahay;

 

Abaartii baahsaneed ee sanadkan Somaaliya soo martay tan iyo macluushii(2011) xageen uga soo harnay? Ma is weydiisay su´aalahan:

  • Abaarti iyo macluushi ma roob dalag soo saaray ayaa bedelay?
  • Xoolihii baaba’ay kuwa la dhaqdo miyaa kaharay?
  • Lacagihii aan aruurinay ma kaafiyeen oo ma dabooleen baahidii walalaaheen?

Jawaabtu haday hadii ay <HAA> tahay, masoo qoreen qormadan. Waqti iyo ahmiyad gaar ahna ma siiyeen. Balse nasiib xumo, markaan arkay in ay badankeen dhex dabaasheen mowjadaha siyaasadda, hilmaameenna walaalaheena tabaalaysan, ayaan go’aansaday in aan ‘qalinka qaato.

Qaylo dhaan aan kala go laheyn ayaa wali ka imaanaysa hay’adaha samafalka ee ka howl gala Soomaaliya. Waxaa nolol maalmeedku mugdi uga jiraa ku dhowaad 3 malyan oo muwaadiniin Soomaali ah, halka 800.000 ay qarka u saaran yihiin macluul ba’an oo geeri sababi karta.

Waxaa intaa sii dheer caruur tiradoodu gaareysa 80.000 oo la taagdaran nafaqo darro iyo xanuuno halis ah. Dadka sidaa u dhibaateysan, malaayiintooduna gaajo ay ku seexanayan, boqolaal kuna ay harraadka u dhimanayan, waxaa u maqan oo ay Eebe ka sokow sugayaan gargaarkooda, waa kuwa subax iyo habeenba gorfaynaya siyaasad aysan si dadban ama sii toos ah saameyn ku yeelan Karin.

Taasi kama dhigna in aysan Soomalida aysan ka danqan dhibaatada walaalhood. Cilmi baaris ay sameysay hey’adda uruurisa xog cilmiyeed ku saabsan deeqsanaanta iyo isku naxariisashada bulshada caalamka ee Charity aid foundation, waxa ay soomaalida ka xustay laba arrin. Marka la eego dadka aduunka ugu naxariis badan, caawiyana dadka galtiga ah ama soo galootiga ah, waxay Soomaalida galeen caalamka oo idil nambarka 4-aad, halka sadaqada iyo deeqsanaantana aan ka galnay nambarka 58-aad.

Waa la yaab. Waa laba xog aan isku dheelitirneen. Hadaba, taasi kama dhigna in aysan Soomalida waxba sadaqeysan, balse ay yartahay inta jeer aynu wax baxsano ama is xilqaano. Bixinta sadaqada kuma xirna hodannimada dadka balse dhiiranaanshahooda iyo uheelanaanta hiilka dadka kale. Wadamada nambarada hore uga jira deeqsanaanta waa kuwa sabool ah kana baxsan G-20(wadamada caalamka ugu hodansan).

Xalku muxuu yahay

  • Ma koombooyin ama gasacado ayaynu qaadanaa mar ay walaalaheen badankood ay geeriyoodeen, xoolihiina baaba’een, wabiyadiina gurteen.

 

  • Ma waxaynu sugnaa inta ay qaylodhaan u dirayaan qaramada midoobay iyo hay’ado shisheeye caadeestay in ay soo xaadiraan goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen xaaladiina xumaatay.

 

  • TAASI WAXBAYNU KA BEDALI KARNAA- ‘’Yes We Can’’

 

  • Waa inaynu is xilqaannaa, is abaabulnaa xilli hore, dhaqaalo joogta ahna aruursanaa si had iyo jeerba heegan ugu ahaanno badbaadada walaalaheen abaarta iyo macluusha saameysay. Sow ma ahan aayad quraan ah < Qofkii naf badbaadiya, waa isaga oo basharka oo idil badbaadiyay.
  • Tusaale ahan, hadii dadka deegaanka magaalo walba ay Sameeyaan sanduuq dhaqaale guud oo loo adeegsado howlaha samafalka iyo tabarucaada wax ka qabashada xaaladaha adag. Isweydi imisa lacag ayaa inoo soo xaroon karta hadii magaalo walba dhowr boqol oo samawadayaal ah ay tilaabadaan qaadaan. Shaki kuma jiro inaan awoodno midaa!

 

Romada dhismaha taariikhiga lehba- hal maalin laguma taagin

 

  • Waan ka warqabaa caqabadaha hareereeyay midnimada iyo iskuxirnaaanta soomaalida wadankan, laakin inta kheryka, wanaagga iyo samafalka jecel, dabcan cidna kama horistaagna, kamana xigta waxqabad ku dhisan gargaar iyo soo nooleynta rajada iyo mustaqbalka walaalo fara badan ee mugdi kujira.

Tifiq-tifiq(dhibic) ayaa haanta buuxisa: 4 Kr(noorweeji) wey kaafisaa quudka hal maalin ee hal cunug.

  • Ururada soomaalida ee samafalka ka shaqeeyana- waa in la mideeyo- si hufnaan iyo daahfurni ku dheehantahayna u shaqeeyaan si kalsoonida shacabka ay u kasbadaan.
  • In la joogteeyo Barnaamijo xiiso leh oo dhaqaalo lagu aruuriyo(Fundraising). waa xeelad casri ah oo dadka badankii ay jecelyihiin in ay wax ubixyaan.

Ma ogtahay           Waqtiga, lacagta iyo tamarta inooga baxda doodaha siyaasadeed iyo falanqeyntooda, hadii aynu diiradda ku saari laheyn wax u tarka dadkeena- Hay’ado shiisheeye looma baahden.

  • Qiimaha koob qaxwaha ah wuxuu ugu yaraan kaafiyaa quudka hal maalin ee sedex caruur. Isweydi- imisa caruur ayaynu hal darmuus qiimihi ka quudin karnaa?!:

MARKASTa oo AAD CABAYSO KOOB QAXWO AMA SHAAh AH, ISWEYDI, HAA ISWEYDI IMISA CARUUR AYAA QUUDAN KARTA QIIMAHA KOOBKAASI!

KA QAADO WIXII CASHAR AH

Dadkan wadankan aynu ugu nimid  ee Noorweejiga ah maxaynu kabaran karnaa marka laga eego samafalka iyo bxininta lacagaha sadaqada.

Bixinta sadaqada Nambarka 8aad ayay Noorweejigu kagajiraan caalamka marka loo fiiriyo kan 58-aad ee Soomaalida. Sidaas ay tahayna, xarumo tiro ah sida  goobaha waxbarashada, shaqada, ururdada isboortiska, iyo wixii la halmaala, wax ay si joogto ah u aruuriyaan lacago tabaruccad ah. Kuwaasoo qaarkood sida la sheego xitaa gaaraan Soomaalida. Maka warqabtaa in iskuulada sare ee wadankan badankood sanad walba ay lacago nus malyan gaaara u aruuriyaan wadamo badan oo sabool ah. Juhdigooda kuma xirna abaar ama masiibooyin dhacay, balse isxilqaamid joogta ah.

Waxaa xusid mudan, abaal celinna leh kumanaanka noorweejiga ka qeyb qaatay ololihii Abaaraha ee Soomalida Norwey ay u istaageen billowgii sanadkan 2017. Waa tilaabo hormar ah, amaan badanna mudan, laakiin dadweynow ma halkaa baynu ku harsannaa oo ma daboolnay baahidii baahsaneed? Dabcan jawaabta aqristayaasha ayaan u dhaafay!

Waxaa Norway caado ka ah lagana qeyb-qaataa sanad walba maalin loogu magacdaray TV-aksjonen. Waa olole samafaleed oo 40 jirsaday sanadkan. Waxaa abaabula oo maamula kanaalka NRK, Kumanaan mutadawiciin ah aya maalintaasi wadanka oo idil xaafadaha la wareega gasacado, qofskastana wixii karaankiisa ah ayuu ku ridaa. Sanadkii tagay waxaa ololahaas kasoo xarootay 219.8 malyan oo karoon.

Wixii dhaqaalo soo xaroodana marba hay’ad samafaleed lasoo xushay ayaa loogu deeqa. Sanadkan waxaa dhaqaalaha soo xarooda lagu wareejin doono UNICEF, oo diiradda saaraysa waxbarashada caruura kasoo jeeda dhulalka ay dagaaladu saameeyeen sida, Mali, Pakistan iyo Syria.

TV-aksjonen 2017- wuxuu ku beeganyahay Axad oo ah 22.10.17.

Ka qeyb qaado wixii karaankaaga ah, waxaad bixisaba aakhira ayad abaalkiisa leedahay.

 FG: Wixii falcelin ah, dhaliil, sixitaan, ku biirin ujeeddo ama aragti fadlan halkan hoose iigu soo hagaaji.

abdiomar.org@gmail.com ama- TLF: 45551625

Ilaha Xogta

Charity aid foundation(WGI)- Xog uruurinta dadka ugu deeqsanaanta&naxariis badan caalamka

SSB- wakaaladda xog uruurinta ee Norway

Unicef- abaaraha iyo macluusha

 

 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

1 kommentar/ Fikrad celin På "(Maqaal): MAXAAD KA OGTAHAY DOORKA NORWAY AY KU LEEDAHAY XIISADDA SIYAASADEED EE GALDMUDUG?"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
Mohamad
Guest
Mohamad

Warniyoow saan caqli kkuma noqdo mowduuc iyo qoraan aan isnwaafaqsaneen caqli mahaan waligeed yanan kagu dhageeysan ee been hasoo qorin

wpDiscuz