Austria: (Sharci cusub) Booliska Austria oo awood loo siiyay inay indho-shareerka xoog uga furaan haweenka muslimka ah!

0
129
Boolis haweeney xoog u furayo indho-shareer

Waxaa kowdii bishan October dalka Austria ka dhaqangalay sharci cusub oo guud ahaan dalkaas looga mamnuucayo xirashada indho-shareerka. Wuxuuna  sharcigan sidoo kale booliska dalkaas awood u siinayaa inay xoog uga furaan dumarka muslimiinta ah ee indho-shareerka xiran.

Sharcigan ayaa sidoo kale mamnuucaya in qofku uu wajiga duubto, ama uu banaanka la maro ookiyaalaha loogu tala-galay ciyaarta Ski-ga. Qofkii jabiya sharcigan ayaa waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 150 Euro.

150 haween muslim ah vs 8 milyan:

Inkasta oo sharcigan loo ekeysiinaya mid khuseeyo dadka oo dhan, hadana waxaa muuqato in ujeedka ugu weyn uu yahay mamnuucista indho-shareerka. Dhaqangalka sharcigan  ayaa dood aad u weyn ka abuuray warbaahinta dalka Austria iyo baraha bulshada. Waxeyna dad badan sheegayaan inuu xadgudub ku yahay xaqa haweeneyda ee u xor ahaanshaha dharka ay qaadaneyso.

Sida ay sheegayaa warbaahinta dalkaas, waxaa Austria oo dhan ku nool 150 haween dumar muslimiin ah oo indho-shareer xirta. Halka guud ahaan dalkaas ay kunoolyihiin 8 milyan oo qof. Waxeyna taas muujineysaa in sharcigan uu yahay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay, balse xaqiiqo ahaan aan aheyn mid saameyn balaaran ku yeelan karo bulshada ku dhaqan dalkaas.

Xigasho/kilde: TV2.NO, The indepedent.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments