Dowlada Norway oo 4 milyan NOK ku isticmaashay cabsi-galinta soomaalida, si aysan Norway usoo aadin!!

0
219

Sida uu maanta soo daabacay wargeyska Klassekampen, Wasaarada cadaalada dalkan Norway ayaa sanadkii 2014 bilowday inay dajiso qorshe la rabo in tahriibayaasha soomaalida ah lagu cabsi-galiyo, si aysan Norway usoo aadin ama magangalyo uga soo raadsan. Waxaana la diyaariyay barnaamijyo iyo waraaqo daabacan oo nuxurkooda uu yahay in Norway loo ekeysiiyo meel aysan nolol kajirin, cunsuriyadu ku badantahay, isla markaana qofkii soo aado uu nolosha uu rajeynayo ka heli doonin. Waxaana Norway ay qorshahaas ku bixisay lacag dhan 4 milyan NOK!!.

IOM iyo dowlada Norway ayaa isla diyaariyay waraaqo, codad maqal ah, filimo been-abuur ah iyo sheekooyin af soomaali ku turjuman, kuwaas oo soomaalida Soomaaliya joogto looga digayo ineysan Norway dhankeeda soo aadin. Waxaana waraaqahaas iyo filimadaas laga qeybiyay 8 magaalo oo waaweyn oo Soomaaliya kuyaalo.

Howsha waxaa fuliyay soomaali, lacagtana Norway ayaa bixisay.

Filimida ayaa waxaa sameeyay shaqaale soomaali oo katirsan xafiiska IOM ee magaalada Nairobi, waxaana sawiradadooda sameeyay farshaxaniistayaal soomaali ah oo lacag lagu siiyay. Wasaarada dastuurka ayaa arintaas la kaashatay  shaqaale soomaali ah oo katirsan hey´ada IOM(sawirka kore, Abdirahman Ahmed oo katirsan soomaalida Norway oo u shaqeynayay IOM, wuxuuna la sawiranyahay Himanshu Gulati oo markaas ahaa xogyahaha wasaarada cadaalada Norway, ahaana maskaxdii ka danbeysay qorshaha cabsi galinta soomaalida).

Muuqaaladaas iyo waraaqahaas ayaa wuxuu nuxurkooda ahaa, hadii aad Norway soo aado, ma heli doontid nolosha aad ku riyooneysid. Waxaana la sameeyay sheekada Nin Hassan bixiyay, oo kadib markii uu Norway ku rafaaday dib ugu noqday Soomaaliya. Sidoo kale waxey sheeko ka sameeyeen dhibka, qabowga iyo cunsuriyada Norway kajirto, taas oo aan aheyn meel lagu noolaan karo.

Wargeysyada Norway ayaa maanta arintaas aad u hadalhayo, iyada oo wasaarada dastuurka Norway aysan iska fogeysay inay arintaas wax ka ogtahay. Himanshu Gulati oo ayaa Klassekampen u sheegay inuusan waxbo ka ogeyn arintaas.

Wixii kusoo kordha arintan oo warbaahintu ay aad u hadalheyso, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Klassekampen 1, Klassekampen 2, Dagbladet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments