Oslo: Si aad uga shaqeyso Barnehage, waa inaad heysataa shahaado dugsi sare

0
150

Maamulka magaalada Oslo ayaa raba in dadka ka shaqeeyo xarumaha xanaanada caruurta(barnehage) ama iskuulada iyo meelaha ilmaha lagu hayo iskuulka kadib, lagu xiro shardi ah inay heystaan shahaado dugsi sare.

[adsenseyu1]Maamulka Oslo ayaa sheegay in xarumaha xanaanadu ay yihiin meelaha ugu muhiimsan oo ay ilmuhu ku bartaan luuqada iyo aqoonta kale ee bilowga ah, sidaas darteed ay muhiim tahay in dadka halkaas ka shaqeeyo ay leeyihiin aqoon luuqadeed oo ku filan.

Tan iyo sanadkii 2012 waxaa dadka ka shaqeeya xarumaha xanaanada lagu xiray shardi ah inay kusoo baaseen imtixaanka Norsk-prøve 1.

Nav Oslo: Waxey saameyneysaa haweenka soo galootiga

Xarunta NAV ee magaalada Oslo ayaa aaminsan in shardigaas uu caqabad ku noqon doono haweenka soo galootiga ah, kuwaas oo meelaha ugu badan oo ay ka shaqeeyaan ay kamid tahay xarumaha xanaanada.

Maamulka Oslo ayaa sheegay in dadka halkaas hada ka shaqeeyo uusan qabin doonin shardigaas cusub, balse loo siin doono jaanis ay kubartaan koorsooyin aqoon kororsi ah.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments