lørdag, april 20, 2024

Israel oo mamnuucday Aljazeera

Israel ayaa qorsheeneyso inay talefishinka Aljazeera ka mamnuucdo dalka Yahuuda, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas. Wasiirka warfaafinta Ayoub Kara ayaa sheegay in Israel ay dooneyso in kaararka aqoonsiga warbaahineed ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka hor-istaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Israel.

[adsenseyu1]Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Aljazeera laga mamnuucay inay ka qeyb galaan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo inuu Israel ka mamnuuco labada kanal ee Aljazeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.

Ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay inuu xirayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Jerusalem, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rabshado ka hurineyso magaalada.

Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xiray xafiisyadii taleefishinka Aljazeera, oo laga leeyahay dalka Qatar, ayada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x