Listhaug: Waxaan rabaa in sharciga lagala noqdo waalidka ilmahooda u dira dugsi-qur´aan dalka dibadiisa ah

0
175

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa maanta sheegtay inay soo jeedineyso hindise sharciyeed cusub oo ah in waalidka ilmahooda dugsi qur´aan ugu dira dalka dibadiisa laga qaado sharciga dalkan Norway. Listhaug ayaa sheegtay inay muhiim tahay in caruurtaas oo qaarkood ay la kulmaan waxyaabo xun-xun ay u baahanyihiin taageero, isla markaana waalidka caruurtaas dhaley laga horistaago inay arintaas ku kacaan. Waxeyna soo jeedisay in laga qaado sharciga ay ku joogaan dalkan Norway.

[adsenseyu1]Listhaug ayaa sheegtay ayaa u muuqato inay ku dayaneyso xisbiga xagjirka dalka Denmark(DF) oo bilo kahor soo jeediyay isla hindise sharciyeed noocan oo kale ah. DF ayaa taageero ka helayo labo xisbi oo kale ayaa u eg inuu arintaas baarlamaankaan ka meel-marin doono. Waxaana laga hadli doonaa marka laga soo noqdo xiliga fasaxa.

Waxaa xusuusid mudan in dhacdadii Hargeysa ee gabdhaha laga soo qabtay goobta dugsi quraanka ay arintan kaalin weyn ku leedahay. Xisbiga DF ee dalka Denmark ayaa soo jeedintiisa sal uga dhigay sharaxaad ay bixisay gabar kamid ah gabdhihii halkaas kasoo fakaday.

Jan Bøhler oo isna ah xildhibaan katirsan xisbiga Ap ayaa dhankiisa sheegay in arintaas uu soo dhaweynayo. isaga oo raaciyay inay muhiim tahay in la baaro in caruurtaas ay iskood u noqdaan iyo in la qasbay.

Duufaantii aan ka dignay bilo kahor:

10-kii bishii May ee sanadkan ayay NorSom News soo daabacday maqaal ay ugu magacdarnay: U diyaar garoobo duufaan cusub oo ka dhalata arinta gabdhaha Hargeysa ee dugsiga quraanka laga soo qabtay. Waxyaabaha aan sheegnay inay arintaas ka dhalan karto ayaa waxaa kamid ahaa inay keeni karto isbadal sharciyeed, maadaama lagu jiro xili doorasho.

Hadaba waxaa muuqato in arintii aan ka dignay dhowr bilood kahor ay maanta banaanka usoo baxday. Halkan ka akhri qoraalkaas.

Xigasho/kilde: Vårtland

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments