lørdag, april 20, 2024

HN: Liibaan oo diiday inuu ku biiro koox ka dhisan dalka dibadiisa.

Waxaa meel dhexe maraya horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta dalkan Norway. Iyada oo laacibiinta ugu cad-cad sanadkan horyaalka uu kamid yahay laacibka soomaaliga ah ee u safta kooxda Haugesund ee Liibaan Cabdi. Liibaan oo kamid ah kooxda joogtada ah ee Haugesund ayaa kamid ah laacibiinta ugu goolasha badan Haugesund sanadkan.

Sida uu qorayo wargeyska kasoo baxa magaalada Haugusund ee HNYTT, heshiiska Liibaan ee kooxdiisa ayaa ku eg dhamaadka sanadkan 2017, iyada oo labo todobaad ay inaga xigto xiliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga horyaalada Yurub. Hnytt ayaa sheegay in liibaan aan wali loo soo bandhigin heshiis cusbooneysiin ah, balse uu diiday dalab uga yimid koox ka dhisan dalka dibadiisa, taas oo uu sheegay in dhaqaale ahaan ay dhaanto horyaalka dalka Norway. Isaga oo sheegay ineysan aheyn xili fiican oo uu Haugesund ka tago, maadaama ay fursad siiyeen xili uu baahnaa garab iyo kalsooni.

Liibaan ayaan meesha ka saarin in hadii ay soo marto fursad uu ugu biiro koox ka dhisan horyaal dibada ah oo uu kusii hormariyo noloshiisa uusan diidi doonin.

Xigasho/kilde: Hnytt.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x