(Maqaal): Xog waran: Qadarinta ka dhaxeyso waalidka iyo caruurta.

0
262

Waa idin salaamay aqristayaasha Norsomnews, salaan kaddib waxan anigoo ka faa’iidaysanaya fursadan ay na siisay Norsomnews ee ku aadan ka qayb qaadashada kicinta dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida, iyo tala siinta bulshada hadba intii tabar teena ah. Insha allaah waxan ka hadli donaa dhowr qaybood oo ku sabsan qurbaha.

1: WAALIDKA IYO CARUURTA QADARINTA KA DHAXAYSO:

Halka sartu ay ka quruntay, waa dhanka aabaha markii la joogo qurbaha, sababtoo ah waxaa hoos u dhacay wax tarkii uu aabuhu lahaa, waxaana u sabab ah ku tiir sanaantii aabaha ee xag nolol iyo xag talo oo aad u diciiftay kaddib markuu qurbaha soo galay.  Nolosha Aabaha oo ku bilaabato shaqo la’aan iyo cayr qaadasho, waxa ay sababtaa in uu hoos u dhoco dareenkii Aabuhu lahaa.

Waqtigii Somalia la joogay haddii Aabuhu kasoo muuqdo meel fog, waxaa dhici jirtay in uu cararo ilmaha (cunuga) kii qalad ama fal-fal xumo samaynayay asagoo og in uusan marnaba aqbali doonin Aabihii habdhaqan nuucaan ah.

Halka kan jawi fiican ku jirayna uu marxabo iyo salaaan ka hor geeyo Aabihii,  asagoo qoslaya kuna hadaaqayo erayo ayka mid yihiin Aabo Aabo Aabo. Bal qiyaas marka uu Aabahaas wiil kiisa (inankiisa)  ama gabadhiisa (inan tiisa) uu laabta galiyo,  una soo ximbaaro dhanka guriga,  Aabuhu shaqo ayuu ka yimid Marwadiisini (caruurta hooyadood) guriga ayeey joogtaa ayadoo hadba ciyaalka kii wax waydiiyo ku tiraa Aabihiin ayaa keenayo.

Aabaha joogo qurbaha:

Aabaha qurbaha joogo waa sida gaari (baabuur) digsiga ku socdo oo lugihii ay banjareen. Waxaa luntay awoodii uu ku lahaa dalka (Somalia) waxaana u sabab ah baahidii loo qabay oo hoos u dhacday.

Hooyada 4 ama 6 caruur ah ku haysatay Somalia, waxaa hanti maguurto u ahaa aabaha dhalay ubadka. Bal qiyaas qurbaha waxa ku dhacay Aabaha Somaaliyeed?  Marka uu Aabuhu soo galo guriga caruurta joogto ee uu masuulka ka ahaa, uma malaysid in Aabihii dhamaa uuba yimid,  inuu aabe yimid iyo in uu oday iska socdo guriga soo galay adiga ayaaba sheegayo,  markaasuu asagana ka dul tilaab sadaa caruurtii oo anan wax qadarin ah u muujin.

La soco qaybta kale insha allaah.

Qore Hassan Jimale: Mahad celin Norsomnews


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, khibradaada, fikirkaaga ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments